“Gali Mayno Doorasho Jujuub Ah, Komishanka Horaanu U Diidnay, Cidi Nooga Yeedhin Karto Mawqif Qoor Qabasho Ah, Waddani Waxa Uu Diyaar U Yahay Tartan Furan Oo Xor Ah”

0
64
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, January 14, 2019- (Foore)- Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sheegay in Xisbiga WADDANI mar walba diyaar u yahay in uu ka qayb galo doorashooyin furan oo xor ah oo dalka ka qabsooma balse aanay marnaba dhacayn in ay khasab iyo jujuub kaga qayb galaan doorasho cido gaar ahi isugu sacab tumeen, yahayna xisbi u madax bannaan go’aamada uu qaadanayo oo uu u arko in danta qaranku ku jirto iyaga oo aan cidna u daba fadhiisanayn.

Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan oo dalka ku soo laabtay safar uu in muddo ah dibadda ugu maqnaa kadib waxa uu sheegay in xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI uu mar walba ku taagan yahay go’aamo masiiri ah oo umadda danteedu ku jirto mana gali doono doorasho la isku khasbo oo jujuub ah balse ay diyaar u yihiin mar walba in ay galaan tartan doorasho oo furan oo xor iyo xalaal ah.

Hogaamiyaha oo shalay kula hadlayay Warbaahinta xarunta guud ee Xisbiga WADDANI ku leeyahay caasimadda Hargeysa waxa uu yidhi: “Waxaan ku celinayaa in aan Madaxweynaha iyo xisbiyada ugu baaqo in Xisbiga WADDANI mar walba diyaar u yahay in laga wada hadlo arrimaha doorashooyinka mar walbana diyaar baanu u nahay. Dadka wada dhexdhexaadinta haddii ay yihiin Madaxweyne ku xigeennadii hore, haddii ay yihiin dadka kale ee is xilqaamay ee muwaadiniinta ahba cid walba xisbigu waa ku bogaadinayaa oo waxa uu leeyahay soo dhawaada laakiin mawaaaqifta waa la kala leeyahay. Waynu isla gorfaynaynaa waanaynu isla eegaynaa. Dadka fidinaya ee leh xisbiga WADDANI baa diiday waxaan u sheegayaa in cidnaba aanu WADDANI diidin. Xisbiga WADDANI waxa uu diyaar u yahay in doorashada la galo lagana wada hadlo waxa hor taagan. Laakiin waxa uu diidayaa in ra’yi lagu khasbo. Ra’yi cid in lagu khasbo oo laga dhigo dantii umadda ayaanu diidaynaa. Ra’yigaagu dantii umadda maaha. Markaa waxaan leeyahay cidna lagu khasbi maayo ee aan isugu nimaadno. Ciddii doorasho doonaysa WADDANI waa u diyaar. Tartan buu diyaar u yahay sii diyaar garaw. Hadal kale looma baahna. Xisbiga WADDANI waxa uu diyaar u yahay in uu la fadhiisto daneeyayaasha doorashooyinka Somaliland, Axsaabta kale iyo cid kasta oo ku shaqo leh si caqabadaha hor yaalla ee la isla og yahay ee hore looga wada hadlay looga hor qaado”.

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu meesha ka saaray suurto galnimada doorasho ay galaan labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID oo kali ahi, waxaanu yidhi: “Xisbiga WADDANI ceeb la’aan waxa uu hore u diiday Komishanka doorashooyinka qaranka. Waa mawqif uu hore u qaatay. Cid odhan karta ninkii innoo dhaxeeyey ayaa doorasho innoo qabanayee si khasab ah ku soo gal ma jirto cid ku khasbaysaa. Adeer haddaad wadato annagu kuma khasbanin ee wado cid nagu sandullaynaysaana ma jirto. Amma aan wax isla eegno oo aan isla gorfayno innaga oo danta umadda ku salaynayna. Adeer wuxu waa dimuquraadiyad iyo doorasho oo wax khasab la yidhaa ma jiro. Waa wax innaga dhaxeeya. Waxa gaar loo leeyahay waa waaxda Fulinta (Executive) ayaad awooddiisa gaar u leedahay iyada oo aan waliba looga baahnayn digteetarnimo. Dadka qaarkii oo leh laba xisbi baa galaya doorashada annaga naguma matalayaan laba xisbi. Doorasho aanay xisbiyadu wada galina suurtogal ma aha. Waar kaftanka ka daaya oo aynu si wacan ugu tartano oo miidaanka isugu nimaadno”.

Ugu dambayn Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu ku baaqay in xorriyadooda loo soo celiyo awaanno xidhan waxaanu yidhi: “Dimuquraadiyaddu ma doorashada oo kaliyaa?, maya ayaanu leenahay. Waxa xidhan muwaadiniin aan leeyahay xorriyadooda haloo soo celiyo haddii aan dambi cad loo hayn. Haddii dambi cad loo hayana cidda xaqa u leh haloo geeyo oo sharciga ah. Muwaadiniinta dhallinyarada ah ee Hal-abuurka ah waxaanu leenahay Madaxweyne in la curdan dhadhiyo ma aha. In aaraadooda iyo hal-abuurkooda la buquujiyo ma aha. Xaq bay u leeyihiin oo dastuurka ayaa u dammaanad qaaday in ay dareenkooda cabbiraan. Hadduuse qadaf ku kaco ama qalad galo wuxuu leeyahay dariiqo loo maro”. Ayuu yidhi Hogaamiyuhu.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here