Gabadhii Rumaysay Riyadii Hooyadeed- 38 Sannadood Oo Ay Adeegto Diyaaaradeed Ahayd Waxa Ay Inanteedii Noqotay Duuliye

0
73
Lawadaag Asxaabta...

Haweenay ayaa dhamaystirtay riyadii hooyadeed oo marti galiso ka ah diyaarad, taas oo ahayd in ay mar uun ka shaqayso diyaarad ay gabadheedu duuliye ka tahay. Ashrrita Chinchankar ayaa duuliyaha koowaad ka ahayd duulimaadka Air India, kaas oo soo afmeeray xirfaddii 38-da sano ee hooyadeed. Ashrrita ayaa u sheegtay BBC: “waan faraxsanahay waxaana iga badatay farxadda, Sababtoo ah waxa ay dadka xusuusanayaan dareenkayga waxa ayna u dabaaldagayaan wanaagga.”. Waxa ay hore barteeda Tweetar-ka ku soo qortay : “Aad ayaan u faraxsanahay sharaf ayayna ii tahay in ay ii suuragasho in aan duuliye ka noqdo duulimaad muhiim ah”.

Waxay ahayd riyadii hooyadey in aan aniga duuliye u noqdo duulimaadka ugu dambeeya iyada oo shaqaale ka ah shirkadda diyaaradaha ee Air India.

“Iyada oo howl-gab noqonaysa kadib 38 sano oo ah adeega ay hayasay, waxa aan sii wadi doonaa raadkeedii.”. Qoraalkan ay soo dhigtay Twitter-ka Isniintii ayaa noqday mid shaac baxay oo si wayn loo hadal hayo, waxaana calamadda (like) u saaray 5,000 waxaana asxaabtooda la sii wadaagay 650 qof. Dadka ayaa si wayn uga jawaabay arrintan dareenka gaarka ah xambaarsan. Shirkadda diyaaradaha ee Air India ayaa iyaguna ku biiray dabaadagga gabadhan iyo hooyadeed. Sheekadan ayaa saamayn ku yeelatay dad badan oo maqlay. Waxaanay aad ugu farxeen dadaalka ay hooyadani samaysay ee ay inanteeda ku soo garab taagnayd si ay duuliye u noqoto maadaama ay iyadu hore shaqaale diyaayareed oo hoose u soo ahaan jirtay. Praful Patel, oo ahaan jiray wasiirka duulimaadyada rayidka ah isla markaana imika ah xildhibaan ayaa ka mid ah dadka ay soo jiidatay sheekadani. Isaga oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi: “Qaar ka mid ah sheekooyiinka farxadda leh islamarkana qalbiga taabanaya ayaa ah kuwa u dhaca si dhab ah “. ayuu yidhi Patel. Qaar ka mid ah dadka ayaa iyagu dadka la wadaagay sheekooyin la mid ah midda hooyadan, waxaana dadka ka mid ahaa Roshni Nair oo hooyadeed ku sheegtay in ay sidoo kale ahayd duuliye.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here