Gabadh Xabsiga Loo Dhigay Sawir Ay Iska Qaadday Oo Cadho Xoog Leh Ka Abuuray Wadaadada Waddanka Hindiya

0
93
Lawadaag Asxaabta...

Haweeney u dhalatay dalka Hindiya oo bishii la soo dhaafay ku guul darraysatay isku day ay ku doonaysay iney ku gasho mid ka mid ah macbadyada ay barakaystaan dadka haysta diinta Hinduuga ayaa xabsiga loo taxaabay, waxaana lagu soo oogay dacwad, ka dib markii ay Facebook-ga soo dhigtay sawir ay iska qaadday iyadoo ay “bowdadeedu qaawantahay”, xilli ay ku sii socotay macbadka. Rehana Fathima oo 32 sano jir ah ayaa si weyn looga yaqaannaa qeybo ka mid ah Hindiya, waxaa howlaha ay qabato ka mid ah farsamada isgaadhsiinta, u doodidda xuquuqda dadka kale iyo xayeysiiska dharka.

Ms Fathima ayaa maalintii Salaadada ahayd xabsiga loo taxaabay xilli ay ku sugneyd xafiiskeeda oo ku yaalla magaalada Cochin, sida ay BBC-da u sheegtay saaxiibadeed oo lagu magacaabo Aarthi SA.

Markii la xidhay ka dib, garsoore maxkamadeed oo ay ka soo hor muuqatay ayaa amray in 14 maalmood xabsiga lagu sii hayo, illaa inta laga dhammeystirayo baadhitaanka lagu hayo. Gabadhan ayaa lagu eedeeyay inay sawrikeeda xad gudub ugu geysatay diinta Hinduuga.

Shirkadda Taleefannada ee dowladda oo ay shaqaale u ahayd ayaa si ku meel gaadh ah shaqada uga joojisay, si looga war sugo natiijada baadhitaankeeda. Horraantii bishan ayey Fathima maxkamadda ka codsatay in ay soo saarto amar booliska ka mamnuucaya soo xidhitaankeeda, hase ahaatee garsoorka ayaa ku gacan saydhay codsigeeda, taasoo fududeysay in la xidho.

Dad mudaharaadeyaal ah ayaa bishii hore Rehana Fathima ka hor istaagay inay gudaha u gasho macbadka Sabarimala shrine oo gabi ahaanba laga mamnuucay haweenka ku jira “da’da ay cadaada ku helaan”. Dooddaasi oo wali taagan.

Dadka haysta diinta Hinduuga ayaa aaminsan in haweenka ay caadadu ku dhacdo aanay nadiif ahayn, isla markaana aanay u qalmin inay galaan goobaha lagu cibaadaysto. Arrintan ayaa muran xoog leh ka dhalisay dalkaas, waxaana in muddo ahba socday mudaharaadyo lagu kala qeybsamay.

Bishii 9aad ayey maxkamadda ugu sarreysa dalka Hindiya ku gacan saydhay  mamnuucitaankaasi, iyadoo amar ku bixisay in macbadkaas loo oggolaado dhammaan haweenka ay da’doodu kala duwantahay. Hase ahaatee dadka daacadda u ah dhaqanka macbadka ayaa diiday amarka maxkamadda, iyagoo isku gedaamay goobtaas, si ay uga hor istaagaan cid walba oo aan loo oggoleyn.

Bishii Oktoober, Ms Fathima iyo haweeney kale oo saxafiyad ah ayaa isku dayay iney macbadka galaan, iyagoo gacan ka helayay in ka badan 100 askari oo ka tirsan booliska.

Inkastoo ay tageen dusha sare ee buurta uu ku yaallo macbadka, isla markaana dhowr mitir u jirsadeen albaabkiisa, haddana dib ayey u soo noqdeen maadaama uu qalalaase ka dhashay halkaas, ayna ismari waayeen booliska iyo dadkii diidanaa in loo gudbo macbadka. Hadda oo 2 bilood laga joogo markii uu amarka ka soo baxay maxkamadda, wali ma jirto haweeney gashay macbadkaasi. Kumannaan qof ayaa loo xidhay qalalaasaha ka dhashay arrintan, kuwaasi oo qaarkood la sii daayay, halka kuwo kalena ay wali xidhan yihiin.

Dhawaan ayay ahayd markii Bishii November ay dawladda Hindiya sheegtay in ay haweenka u ogolaan doonto in ay macbadada galan xataa haddii ay ku jiraan da’da ay haweenku caadada ku helaan taasi oo hore mamnuuc u ahaan jirtay taasi oo ka cadhaysiisay wadaado badan oo haysta diinta Hinduuga oo ku doodaya in aanay haweenku daahir ahayn balse diimaha kale ayaa haweenka u ogol goobaha lagu cibaadaysto. Xaaladda sawirkani sababay ayaa adkayd.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here