Fulham Ma Qaban Doontaa Man City?- Shaxda Macquulka Ah Iyo Filashada Kulanka

0
49

Manchester City ayaa lagu bilaabayaa kulamada 32 aad ee Premier league waxayna marti u noqon doonaan kooxda qarka u saaran in ay heerka labaad u dhacdo ee Fulham. Man City ayaa horyaalka Premeir League ku soo laabanaysa iyada oo doonaysa in ay Liverpool ka riixato hogaaminta horyaalka ee ay waqtigii caalamiga ahaa soo hayeen.

Rajada ay Fulham ka qabto in ay ka badbaadi karto u laabashada heerka labaad waxay aad u sii xumaatay kulankii ugu danbeeyay ee ay Liverpool guuldarada kala kulmeen, balse waxay wali haystaan in ay xisaab ahaan ku badbaadi karaan haddii ayna guuldaro kale ka soo gaadhin Man City.

Manchester City wax walal badan ah kama qabto kooxda Fulham maadaama oo ay rekoodh cajiib ah ka haystaan waxayna Fulham ku soo jirtay rekoodh aad u liitay oo ay 13 kulan oo xidhiidh ah guul la’aan kaga soo jirtay kulamadii ay Man City la soo ciyaartay.

Man City ayaa soo heshay 10 guulood iyo 3 barbbaro ah 13 kii kulan ee ugu danbeeyay ee ay Fulham la soo ciyaartay laakiin waxayna soo guulaysteen 7 kulan ee ugu danbeeyay oo xidhiidh ahaa waana sababta ayna City u qabin walwal wayn.

Guul ay Man City ka soo gaadho kooxda Fulham waxay la micno tahay in ay dib ugu soo laaban doonaan hogaaminta Premier league waxayna kadib sugi doonaan kulanka adag ee ay Liverpool axada la ciyaari doonto kooxda Tottenham.

Wararka Labada Kooxood Ee Ka Hor Kulankan:

Guardiola waxaa kulankan haysata dhibaato dhinaca difaaca dhexe ah iyada oo Nicolas Otamendi dhaawac looga saaray liiskii xulka qarankiisa ee kulamadii caalamiga ahaa lamana filayo in uu kulanka Fulham diyaar u noqon doono waxaana sidoo kale daawayn qaadanayay Vincent Kompany halka John Stones uu shaki ku jiro in uu taam u yahay kulankan.

Aymeric Laporte ayaa ah difaaca dhexe ee taam buuxa u ah kulankan halka Fernandinho oo dhaawac ka soo laabtay aan la ogayn haddii uu Guardiola si toos ah shaxdiisa ugu soo celin doono iyo haddii uu waqti uu si buuxda ugu soo kabsado siin doono.

Guardiola ayaa dib u helay Benjamin Mendy, De Buryne iyo Fernandinho oo dhaawacyo ku maqnaa laakiin macalinka reer Spain ayaa xaaladooda go’aan ka gaadhi doona haddii ay kulanka Fulham ciyaari karaan.

Sergio Aguero ayaa si wayn uga faa’iidaystay in liiskii xulka qarankiisa Argentina laga reebay wuxuuna kaydka ku jiray kulankii FA Cupka ee Swansea City ee Man City ugu danbeyay wuxuuna galabta hogaamin doonaa shaxda Guardiola ee kulanka Fulham.

Dhinaca kooxda martida loo yahay ee Fulham waxaa dhaawac kaga maqan Alfie Mawson iyo Marcus Bettinelli waxa kale oo xili danbe la qiimayn doonaa Andre Schurrle oo xanuunsanaya.

XOGTA KULANKAN:

Tartanka: Kulanka 32 aad ee Premier League

Kulanka: Fulham Vs Man City

Garoonka: Craven Cottage

Waqtiga: 3:30 Galabnimo Ee Saacada Geeska Afrika

Garsooraha: Kevin Friend

Shaxaha Macquulka Ah Ee Fulham Vs Man City:

Fulham XI: Rico; Fosu-Mensah, Chambers, Ream, Bryan; Anguissa, Serri; Babel, Cairney, Sessegnon; Mitrovic

Man City XI: Ederson; Walker, Stones, Laporte, Zinchenko; Bernardo, Gundogan, D.Silva; Sterling, Aguero, Sane

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here