Fernandinho Iyo Qoyskiisa Oo Dil Loogu Hanjabay Iyo Xidhiidhka kubadda Cagta Brazil Oo Ilaalo Gaara U Samaynaya

0
99
Lawadaag Asxaabta...

Iyada oo ay caado u tahay dalalka Latin America in ay cago-juglayn u gaystaan ciyaartoygooda kubadda cagtu haddii ay qalad ka galaan ka qayb galka xulalkooda ee koobka kubadda cagta adduunka ayaa Fernandinho waxa uu noqonayaa laacibkii ugu dambeeyey ee qaaraddaasi kasoo jeeda ee la kulma cago juglayn ah in qudha laga jari doono.

Fernandinho oo khadka dhexe uga safta xulka qaranka Brazil iyo kooxda kubadda cagta waddanka Ingiriiska ee Manchester City ayaa isaga iyo xubno ka mid ah qoyskiisa waxa lagula kacay falal cunsurinomo ah iyo hanjabaado la xidhiidha in la khaarajin doono sida ugu dhakhsaha badan kadib markii farriimahaasi loo mariyay baraha xidhiidhka Bulshada.

Hanjabaadahan loo gaystay Fernandinho iyo qoyskiisa ayaa ka dambeeya kadib markii uu si qalad ah gool madax ah uga dhaliyay xulka qarankiisa Brazil kulankii ay Belgium ku reebtay 2-1 taasi oo taageerayaasha xulka qaranka brazil ka dhalisay cadho weyn. Kooxo aan la aqoonsan balse loo malaynayo in ay ka mid yihiin kooxaha maafiyada ah ee dalkaasi Brazil aadna uga cadhaysan qaabka Brazil looga reebay koobka adduunka ayaa waxa ay farriimo aan kala joogsi lahayn saacadihii ugu dambeeyey ugu soo dirayeen baraha xidhiidhka Bulshada laacibkan iyo xubno qoyskiisa ka mid ah.

Hadallo cunsuriyad ah oo midabkiisa la xidhiidha iyo hanjabaado dil ah ayaa loogu soo diray baraha xidhiidhka bulshada taasi oo cabsi badan ku dhalisay laacibkan iyo qoyskiisaba. Tani waxa ay keentay in hooyada dhashay Fernandinho ay baraheeda xidhiidhka Bulshada ee Twitter iyo Facebook-ba iska xidho.

Xidhiidhka kubadda cagta Brazil ayaa qoraal ay soo dhigeen mareegtooda internetka waxa ay ku barbar joogsadeen Fernandinho oo ay sheegeen in ay garab taagan yihiin, ilaalo gaar ahna u samayn doonaan muddoda uu ku sugan yahay waddanka Brazil.

Sannadkii 1994-kii ayay ahayd markii kooxo maafiyo ahi qudha ka jareen laacibkii xulka qaranka Colombia Andrés Escobar kadib markii laacibkaasi gool iska dhaliyay sidaana ay koobkii adduunka ee 1994 kaga hadheen. Waxaana qudha laga jaray markii uu dalkiisa dib ugu laabtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here