Faysal Cali Waraabe Oo Saluug Ka Muujiyay Go’aamada Ka Soo Baxay Shirkii Nabadaynta Ceel Afweyn

0
64
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, August 02, 2018- (Foore)- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay Qodobada ka soo baxay Shirkii nabadaynta Beelaha Walaalaha ah ee Ceel Afweyn,isagoo Shalay ku dhex sugnaa goobtaasi ayaa waxa uu Gudida ku canaantay inaanay Qodobad sidii la rabay u adkayn oo ay wax badan ka tageen,Waxa uu Xukuumadda ugu baaqay inay la wareegto Ceel Biyoodyada deegaamadaasi ku yaala oo uu sheegay inay ka mid yihiin meelaha Fidmadu ka abuuranto,Waxa kale oo uu soo jeediyay in la qarameeyo Hubka iyo Dhalintii Beelahaasi ka tirsanaa ee Duurka iskugu jirtay ee dagaalmaysay,waxaanu wal wal ka muujiyay haddii aan go’aamadda arimahaasi lagu darin inay waydoobayaan.

Ugu horayn isagoo arimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi“Waxaan doonayaa inaan inyar dhex istaago go’aamada hadda aad soo saarteen iyo dilkan dhacay iyo arimihii salka u ahaa waxa iiga muuqata inaydaan si fiican u xil iskaga saarin oo aydaan u adkayn,waxa budhig u ah waxa weeyi waxa la isku haystaa hanti,Waxaa la isku haysta biyo,Waxa la isku haystaa Ceelashii,Qolana Ceelashii ayay fadhidaa,Qolana Magaalooyinkii ayay fadhiyaan,waxa Fiican Ceelasha Biyaha inay Dawladu la wareegto ayaa fiican,oo gacan dawladeed ay soo gasho,si dadka ay uga dhexayso,waa la wada leeyahay,Illahay ayaa wada siiyay,haddii ay intaasi hore u garanayaan mabaabay kala sheegteen,laakiin waa in sharci lagu fuliyaa”

Waxa kale oo uu yidhi“Takale waxa weeyi Magaalooyinkii waa laga maqan yahay,Ardaayada qaar ayaa ka maqan Magaalooyinkii,intiinani haddii aad ku heshiiseen in lawada noolaado dadku sidii barigii hore isma maqlaan,dhalinyartaasi badan ayaa jirta oo laga yaabaa Codkeenu inaanu gaadhin,ama aan raali ahayn,waa inaan laga tagin dadkii sidii ay magaalada ugu soo noqon lahaayeen,Waa in Gudi lasameeyaa,ku hadha oo Ergooyinka ah,oo dadkii ku soo celisa baradoodii,oo hubisa qof waliba inuu gurigiisii galay,meeshan sidii Dalkii Mayanmar ayay wax ka dhaceen,waa in dadkii lasoo celiyaa,inaad ka tagtaan maaha dadkii oo maqan,taasi waa mid,waxa kale weeyi,dhalinyarta Qoriga sidata ee Geelii ka baxay ee macaamilada u ahayd inay duulaan, Dawladdu waa inay qaramaysaa,reer Walba illaa 100-qof oo dhalinyaro ah waa in laga qarameeyaa,waa in Ciidanka lagaliyaa,”.

Ugu Dambayn waxa uu yidhi“Takale waxa weeyi,Goboladdan Bariga Baylah ayaa ka dhacday,waxa ay isku dilayaan waxa weeyi waa Nidaam darro,sharci ayaan kajirin,Dawlad ayaan ka jirin,faqri ayaa yuurursaday oo la isku dilayaa,waa inay Dawladdu Galbeed ka timaado oo la fadhiisto Ceerigaabo,oo dhaqaale lakeeno oo shaqooyin la abuuro weeyi,oo nidaam iyo kaladambayn dalkan la keenaa. Sharci kama jiro halkan,Hubka ay isku dileen waxaad moodaysay Laba Dawladood oo isdilay,Boqol iyo Todobaatan ayaa dhaawacmay ayaa la yidhi,waxa weeyi Hubkii ayaan laga dhigin oo lama qaramayn,markii Ciidanka Qaranka la sameeyay halkan muu soo gaadhin Qaramayntii,Hubka waa weyn hala qarameeyo dadka oo hala shaqaaleeyo,oo dadka hala jeheeyo ayaanu leenahay haddii kale faqriga ayaa isku dili oo timirta iyo mucaawimadda la bixinayo ayay isku dili”. Ayuu yidhi

Daawo Hadalka Faysal:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here