Faysal Cali Waraabe Oo Fagaare Kaga Dhawaaaqay Kelmad Naanays Ah Oo Lagu Xanto Madaxweyne Muuse Biixi Intii Uu Xilka Hayay Oo Sigaara Uga Qoslisay Saylici

0
165
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, September 20, 2018- (Foore)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa markii ugu horraysay si caam ah ugu kaftamay Naanays shacabku ku xantaan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi tan iyo markii uu xukunka si rasmi ah ula wareegay taasi oo ah Handaraab, waxaanu Guddoomiye Faysal Cali Waraabe kaftankan ka jeediyey madal ay ku sugnaayeen xubno uu ka mid yahay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici” iyo xubno kale kaasi oo isna markii uu maqlay kelmadda HANDARAAB kaga jawaabay qosol gaaban.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka mid ahaa xubnihii xisbiyada qaranka ee shalay Madaxtooyada kulanka la yeeshay ayaa mar uu ka hadlayay kulankaasi ay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa la yeesheen waxa uu sheegay in Furihii loo helay Handaraabkii.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo arrintaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Ilaahaybaa Mahad Leh Kalidii Subxaanahu Watacaalaa. Maanta waxa innoo Bilaabmay Waa Cusub ayaa innoo bilaabmay. Ilaahaybaa mahad leh. Beryahan waynu kala fadhinay. Waydinkii naanaysta bixiyey ee yidhi HANDARAAB. Handaraabkii maanta wuu burburay oo Furihii baa la helay. Madaxweynuhu waxa uu yidhi No More Handaraab. Anana waxaanu leenahay haddii Alle Yidhaa No More Handaraab. Sidaa Madaxweyne ku xigeenku sheegay dhawr arrimood baanu isla eegnay oo ahaa arrimo badan. Arrimo badan oo inna hor yaalla ayaanu isla eegnay. Sidaasi ayaa loo kala qaaday. Doorashadu waa gaar. Haddii aanay doorashooyinku dhicin oo aanay institutions ku shaqaynayn oo aanay colaadi jirin ayay doorasho suurto gali kartaa. Laakiin jawi aanay doorasho ku dhici karayn. Lagama hadli karo doorasho”. Ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Kelmadda HANDARAAB ayaa muddoba shacabku ku xantaan Madaxweyne Muuse Biixi cabdi iyaga oo gaar ahaan Mucaaridku ku doodo in mudadii uu Madaxweynuhu xilka hayay wax badani ku soo xidhxidhmeen waddanka dhinacyada dhaqaalaha iyo siyaasadda waana kelmadda uu kaftankeeda daba socday ee uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe

Halkan Ka Daawo Hadalka Faysal:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here