Farriintii Qoraal Ee Hablaha George Bush U Qoreen Hablaha Madaxweyne Barrack Obama iyo Nuxurkii Ay Xambaarsanayd!!

0
46
Lawadaag Asxaabta...

Mid ka mid ah farriimaha qoraal ee ay isu direen qaar ka mid ah madaxdii hore ee Maraykanka soo maray ayaa ahayd warqaddii ay Habalaha uu dhalay Madaxweynihii hore ee Maraykanka Bush u direen Hablaha uu dhalay Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barrack Obama markii uu sannadkii hore isu diyaarinayay in uu ka guuro aqalka cad ee muddo xileedkiisu dhammaaday. Gabdhaha George W Bush ayaa waraaq furan u qoray gabdhaha Obama oo isu diyaarinayay in ay ka guuraan Aqalka cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka. Xilka madaxwayne Obama ayaa dhammaaday labaatankii Bishii January 2017. Jenna Bush-Hager iyo Barbara Bush ayaa warqaddan u qoray si ay nolosha cusub ugu tilmaamaan gabdhaha Obama. Gabdhahaas Bush ayaa ku noolaa Aqalka Cad siddeed sano intii u dhaxaysay 2001 ilaa 2009-kii, intaas ka dibna waxay billaabeen jaamacado iyo shaqo. Waatan warqaddii ay gabdhuhu qoreen oo ay daabacday jariidadda Time Magazine.

“Malia Obama iyo Sasha Obama, siddeed sano ka hor maalin uu qabaw jiro oo bishii Nofembar ka mid ah waxaan idinku salaanay albaabka Aqalka Cad. Waxaa indhihiina ka muuqday farxad iyo in aad rabteen in aad wax ka ogaataan gurigiina cusub. “Waxaan wakhti hore ka soo tagnay shaqooyinkayagii Baltimore iyo New York waxaanan u safarnay magaalada Washington si aan idiin kala barno Aqalka cad. In aan idin tusno guriga jiifka ee Lincoln iyo sariirihii mar ahaa kuwanayii, si aan idiin barno dadka oo dhan, kuwa ubaxyada ka shaqeeya, kuwa beeraha iyo qaab dhismeedka kale ee dhulka ka shaqeeya iyo shaqaalaha kale ee noloshooda galiyay in dhismahan taariikhiga ah uu noqdo guri”.

“Afarteenuba waxaan si tartiib ah u dhex lugaynay hoolalka cajiibka ah ee ku yaalla gurigaas oo aad ku qasbanaydeen in aad u soo wareegtaan. Sideed sano ka dib wax badan ayaa idiin qabsoomay. Wax badanna waad aragteen. Waxaad istaagteen Albaabada xabsiga Robben Island halkaas oo uu tobannaan sano ku xidhnaa Nelson Mandela-ha Koonfur Afrika, idinkoo aabihiin idin ag taagan yahay. Waxaad u socdaaasheen Liberia iyo Morocco idinkoo hooyadiin la socda si aad ula hadashaan gabdho uguna sheegtaan ahmiyadda waxbarashada – gabdhahaas oo iyaguna idin arkay, waalidkiinna arkay, kuwaas oo arkay cidda ay noqon karaan haddii ay aqoonta sii wataan oo ay wax bartaan.

“Waxaad ka qayb gasheen cashooyin ay xukuumaddu samaysay, waxaad la kulanteen hogaamiyeyaasha caalamka, waxaana idiin suuragashay in aad ku qosashaan kaftankii uu aabihiin ka jeediyay xafladda sannad-laha ah ee Aqalka Cad ka dhacda ee loo yaqaanno Thanksgiving turkey pardon, idinkoo carruur ahna waxaad dhigateen iskuul waxaadna yeelateen asxaab.

“Hadda waxaad ku biiri doontaan koox kale, idinkoo ka mid noqon doona caruurtii madaxdii hore, idinku maydaan dalbanin mana jirto wax shuruuc ah oo u dajisan kooxdaas.

“Laakiin wax badan ayaa idin horyaalla. Waxaad hoosta ka xariiqi doontaan taariikhda noloshiina, taas oo ka baxsan ku hoos noolaanshaha waalidkiin oo caan ah, laakiin waxaa waligiin idinla socon doonta khibraddii aad korodhsateen siddeeddii sano ee la soo dhaafay.

“Marnaba ha iloobina dadka wanaagsan ee Aqalka Cad ka shaqeeya. Calaaqaad dhaw ayaan lahayn sirdoonkeena. Qayb ayayna ka ahaayeen korniinkanagii: waxay la socdeen shukansigayagii u horeeyay, maalmahayagii u horreeyay iyo xitaa faraanti galis kayagii iyo toddobaxayagii.

“Waan ognahay markasta arrin sahlan ma ahayn, labadiina iyo labadayaduba da’yar ayaan ahayn niman ayaana markasta nagu ladhnaa laakiin noloshoodii ayay teena darteed u xakameeyeen.

“Koolejkiina ku raaxaysta. Sida uu adduunku ogyahay anagu sidaa ayaan samaynay, garbihiina yaryarna culayskii adduunku ma saarna hadda, waxay hiwaayaddiinu tahay sameeya. Shaqsiyaddiina barta, khaladaad ha idinka dhacaan waa la idiin ogol yahay. Waxaad sii wadaan in aad naftiina ku xeertaan saaxiibo daacad ah oo aqoon idiin leh, mabsuud idinku ah oo idin difaaca iyaga oon baqayn. Kuwa marxaladda aad maraysaan idinku qiimeeya idinma jecla, waxay idin yidhaahdaan qiimo ha u yeelina, taas baddalkeedana waxaa muhiim idiin ah niyaddiina.

“Wixii aad korodhsateen oo dhan la soo taga, hanoqoto dadkii aad la kulanteen, casharadii aad barateen, taasina ha idinka caawiso in aad isbadal wanaagsan la timaadaan. Shaki nagagama jiro in aad sidaas samayn doontaan. Safaradii aan waalidkayaga la galnay waxaan ka baranay wax ka badan waxkasta oo aan fasal dhexdii ku baran karaynay. Indhahayaga ayay u fureen dad cusub iyo sidoo kale dhaqammo iyo fikrado cusub.

“Waxaan la kulanay shaqaale warshadeed oo Michigan ku sugan, macallimiin California jooga, dhakhaatiir dawaynaya dad jooga xadka Burma, carruur taagan waddooyinka boodhka leh ee magaalada Kampala si ay u arkaan madaxwaynaha Maraykanka, iyo carruur qaba fayraska HIV oo sugaya in ay helaan daawada antiretroviral taas oo laga yaabo in ay noloshooda badbaadiso.

“Gabdh dhuuban oo qabta toobkeedii ugu qurux badnaa waxay u muuqatay da’yar, laakiin ma aanay ahayn. Wax yar ayay ahayd sababtoo ah way xanuunsanayd, hooyadeed waxay sheegtay in aanay filaynin in ay noolaan doonto si ay u aragto in daawadaasi ay shaqayn doonto, laakiin laga yaabaa iyo in ay arkaan gabdhaha iyo wiilasha ay walaalaha yihiin. Markii aan gabadhaas la kulanay ka dib, Barbara waxay ku laabatay iskuulka waxayna badashay cilmigii ay rabtay in ay ku takhasusto iyo waliba wadadii nolosheeda. Waxaad ku soo noolaydeen cadaadiska aan la aamini karin ee Aqalka cad, waxaad dhagaysateen eedaymaha ad’adag ee waalidkiin ay u soo jeedinayaan dad aan xataa waligood la kulmin.

“Waxaad u soo joogteen iyadoo waalidkiin ay ka yaraadeen in lagu soo qaado wararka ugu doorka roon, waalidkiin oo wax walba idinka hormariyay kuwaas oon Adduunka idin tusin oo kali ah ee waliba idiin hibeeyay. Siday waligoodba soo ahaayeenna rukummo adag ayay idiin noqon doonaan idinka oo bilaabaya cutubka xiga ee noloshiinna. annaguna sidaas oo kale ayaan idiin tilmaami doonnaa”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here