“Farmaajo Waxa Uu Noo Sheegay Inaanu Dagaalada Tukaraq Shaqo Ku Lahayn, Anaguna Waanu Rumaysanay”….Faysal Cali Waraabe

0
118
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa (Foore):-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa soo bandhigay mawqif ay madaxweynaha soomaaliya iskala qaateen dagaalada Tukaraq.

Gudoomiye Faysal oo ka hadlayey kulanka uu la qaatay madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inay isla soo qaadeen dagaalada Tukaraq isla markaana ay go’aan midaysan ka wada gaadheen sidii loo soo afjari lahaa dagaaladaasi.

Gudoomiye Faysal oo ka hadlaya kulanka uu la qaatay madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu yidhi “Waanu isla soo qaadnay dagaalada Tukaraq,  aniguna waan ku eedeeyey, waxaanan ku idhi arintan haddii aanad gacan ku lahayna adiga ayaa dhiiri geliyey waanan kuu xisaabinaynaa, wuu ka dhaartay anaguna waanu rumaysanay, arintaas sidii loo qaboojin lahaa inuu qaybtiisa ka qaato maaddaama oo Garoowe iyo Booosaaso ay ka tirsan tahay soomaaliya, dalkuna aanu gaalo ahayn ayaanu isla garanay.”

Gudoomiyaha xisbiga Ucid oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Anaguna aanu mar kasta diyaar u nahay nabad, hore-na colaadi nooga dhex dhicin deegaankaas aanu jaarka nahay ee aanu wax badana wadaagno, wanaagoodana aanu jecelnahay  horu marka ay magaalooyinkeeduna aanu jecelnahay, isku aragti ayaanan ka noqonay.”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here