Farmaajo oo maanta khudbad ka jeedinaya shirka ka soconaya Kampala

0
71

Kampala (Foore)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Uganda ayaa ka qeyb galaya Shirka Africa Now ee ka socda dalkaas, kaas oo lagaga hadlayo arrimaha nabadgelyada, is-dhexgalka iyo koboca dhaqaalaha ee Qaaradda Afrika.

Shirka ayaa lagu wadaa in Maanta oo Arbaca ah la soo geba gabeeyo, waxaana la filayaa in uu khudbad ka jeediyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmajo taas oo uu kaga hadli doono arrimaha, Amniga, Kobaca Dhaqaalaha iyo isdhexgalka waddamada Geeska Afrika.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galaya Kumannaan Ergo oo ka kala socda Wadamada Afrika iyo Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni oo shirkaasi martigeliyey, waxaana inta ka hasran shirkaas laga hadli doonaa sida lagu kobcin karo dhaqaalaha Wadamada Afrika.

Sidoo kale Madaxweyne Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Uganda waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda ka qeyb galeysa shirkaas oo uu ka mid yahay Madaxweynaha dalka Uganda oo tiro laba jeer ah sheegay hadalo uu ugu gefay Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here