Farmaajo Oo Maanta Ka Hadlay Waxa Uu Ka Rabo Wada Hadallada Somaliland

0
186

Muqdisho (Foore)-Madaxweynaha Dawladda Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa sheegay in ay wada hadallada Somaliland ay la yeelanayaan ay diyaar u yihiin si buu yidhi ay u gaadheen Midnimo ay ka shaqeeyaan labadooda dhinac.

Mar uu maanta Madaxweyne Farmaajo ka hadlayay Kalgfadhiga shanaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya waxa uu sheegay in uu dardar galinayo wada hadal uu la yeesho Somaliland isaga oo sheegay in ay wax walba dhincooda diyaar u yihiin si meel dhexe la isugu yimaad.

Farmaajo oo maalmihii ugu dambeeyey ku sugan xaalad adag ayaa khudbaddiisii maanta ku yidhi sidan: “Waxaa naga go’an inaanu ka Midho-dhalino Wadahadalka maamulka Somaliland iyo DF ee Soomaaliya. Si xal waara loogu helo Tabashooyinkooda, Walaalaheen Somaliland waa dad aynu Jecelnahay oo aynaan kala Maarmin, Waxaanu ku bixinaynaa Dedaal dheeri ah Midnimada iyo Wadajirka Ummadda Soomaaliyeed, Si aynu uga baxno dhibaatada aynu ku Jirno, Waxaanu diyaar u nahay inaanu si waafi ah uga garowno tabashooyinka Walaalaheena Somaliland” ayuu yidhi Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here