“Faransiiska Arrin Ugub Ku Ah Ayuu Ka Sameynayaa Dalka Itoobiya” Siyaasi Cabdiraxman Cabdishakuur

0
72

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa taxliil kooban ka sameeyey socdaalka madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu ku marayo dalalka Bariga Afrika ee Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa tilmaamay arrin ugub ku ah in Faransiisku uu Itoobiya ka caawinayo dhismaha ciidanka badda iyadoo la ogyahay inaanay Itoobiya lahayn Wax bad ah.

Qoraal uu soo dhigay facebook, hoos ka aqriso.

Waxaan isha ku hayey booqashada Madaxweynaha Faransiiska ee Geeska Afrika. Emmanuel Macron wuxuu booqday Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya. Inkastoo Faransiisku saldhig Milateri ku leeyahay Jabuuti, haddana in muddo ah Madaxweyne Faransiis ah Jabuuti booqasho kuma imaan. Dhinaca kale waana markii koowaad ee uu Madaxweyne Faransiis ah Kenya booqan doono. Macron wuxuu Itoobiya la saxiixday heshiis “difaaca wadajirka ah ee labada dal”.

Heshiisku wuxuu diirada saarayaa tababarka iyo qalabaynta Ciidamada Itoobiya iyo la dagalaanka argagixisada, laakiin waxaa ugub ku ah in Faransiisku uu Itoobiya ka caawinayo dhismaha Ciidanka Badda, labada dalna iska kaashadaan la dagalaanka burcad badeedka Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.

Ka sokow in Faransiisku uu doonayo in uu kaalintiisa Geeska Afrika xajisto, haddana kulamada Marcon iyo khudbooyinkiisaba kama marnayn xadaynta saamaynta sii kordhaysa ee ay Shiinuhu ku leeyihiin Geeska Afrika. Loolanka shiinuhu wuxuu macno u yeelay, islmarkaana sare uu qaaday ahmiyada istiraatiijiyadeed ee Geeska Afrika u leeyahay dunida gaar ahaan awoodaha tunka xooggan iyo xulafadooda Gobolka iyo Gacanka Khaliijka.

Saxaafada Dunida way ka hadleen socodka Marcon ee Gobolka, laakiin saxaafada Soomaalidu waxba kama qorin booqashada Macron ee Geeska Afrika. Mana filaayo in badan oo siyaasiyiin ahna in ayba warba ka hayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here