Goormaa Kuugu Dambaysay Fannaan Saalax Qaasim Muxuuse Ka Yidhi Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale Iyo Siduu Ku Sameeyey Laxanka Heesta Allaa Weyn?

0
397

London (Foore)- Fannaanka weyn ee Saalax Qaasim Naaji oo ka mid ahaa fannaaniintii ugu caansanaa fanka Soomaalida, kuna caan baxay Luuqda heesaha ee codkiisa toolmoon iyo samaynta laxamada heesaha ugu macaan, Bulshada Soomaaliyeed muddo dheer ma ay arag.

Fannaan Saalax Qaasim oo muddo dheer imika ku nool Carriga Ingiriiska dad badana ay ugu dambaysay riwaayadihii uu ka qayb qaatay dabayaaqadii Siddeetamaadkii gaar ahaan kuwooda lagu dhigay Jamhuuriyadda Jabuuti sida Riwaayaddii Beenay Waa Run ee qaybteeda ku celiska ah lagu dhigay Jabuuti ayaa waxa uu ka hadlayaa sida uu laxanka ugu sameeyey heesta waddaniga ah ee caanka ah ee “Allaa Weyn Ninkii Aaminaa Awood Leh”.

Saalax Qaasim oo dhawr sano ka hor carriga Ingiriiska waraysi kooban lagaga qaaday waxa uu sidoo kale ka hadlayaa xusuus uu samaynta laxanka heestaasi ku leeyahay qoraaga weyn ee Boobe Yuusuf Ducaale.

sidoo kale Waxa uu Fannaan Saalax Qaasim ka hadlayaa qaabka uu ugu guntaday sidii uu Fanka uga caawiyey in ay ku soo shaac baxdo Fannaanadda weyn ee Khadra Daahir Cige oo la sheego in uu isagu u ahaa macallinkii ugu horreeyey ee fanka ku soo gacan qabta.

Halkan Ka Daawo Saalax Qaasim iyo sheekadan xiisaha leh:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here