Fannaanad Carbeed Oo Shaacisay In Ay La Golongoshay Jacaylka Ay U Qabto Ronaldo Balse Guurkiisa Shardi Culus Ku Xidhay!

0
338
Lawadaag Asxaabta...

Fannaanad caan ka ah geyiga dalalka carabta oo u dhalatay wadanka Baxreyn ayaa ku dhawaaqday oo warbaahinta ku faafisay hadalo ay ku sheegtay in aad u jeceshahay oo ay damac guur iyomustaqbal ka doonayso ciyaaryahanka caanka ah ee kooxda xulka qaranka Portugal iyo kooxda kubadda cagta wadanka Talyaaniga ee Juventus Cristiano Ronaldo balse ay arrintaasi ku xidhayso hal shardi, kaasi oo ah in uu marka hore qaato diinta islaamka.

Warbixintan Oo uu baahiyey Wargeyska Al Rai oo uu Wargeyska Foore idiin soo turjumay waxa ay sheegaysaa in Shaila Sabt oo ah fannaanad caan ah oo sidoo kale sannadkii ee 2012 loo caleemo saaray oo noqotay boqorada quruxda ee sannadka dalalka carabta ayaa shaaca ka qaaday jacayl ay la golon goshay oo ay muddo badan u haysay xiddiga caanka ah ee xulka qaranka Portugal iyo kooxda kubadda cagta waddanka Talyaaniga ee Juventus Cristiano Ronaldo, imikana la gaadhay wakhtigii ay jacaylkeedaasi oodda ka qaadi lahayd. Shaila Sabt waxa ay sheegtay in ay muddo badan jecelayd ciyaaryahankaasi reer Portugal, si kasta oo ay ku heli kartana ku dadaali doonto in uu noqdo saygeeda mustaqbal. Fanaanadda reer Baxreyn oo noqotay boqorada quruxda ee sannadka ee dalkaasi ayaa sheegtay in ay ku riyoonayso guurka xiddiga kooxda real Madrid Ronaldo balse waxa ay arrintan ku xidhay shardi adagoo ah in marka hore xiddigaasi qaato shareecada islaamka oo marka hore ku dhawaaqo islaamnimadiisa.

Sida uu ku soo warramayo wargeyska Al-Ra’yi Al-Kuwaiti, fanaanadda reer Baxreyn waxa ay barteeda internetka ee Twitter ku sheegtay ereyadan:

“Wax ii diidayaa ma jirto in aan noqdo marwo u dhaxday xiddiga caanka ah ee Real Madrid xataa haddii uu leeyahay xaas kale taasina aanay noqon Karin wax caqabad ku noqon kara guur aan la wadaago isaga balse waxa kaliya ee aan arrintan shardi uga dhigayaa waa in uu marka hore qaato shareecada islaamka oo noqdo nin muslim ah”. Jacaylka ay haweenaydani u qaaday Ronaldo waxa ay ku sababaysay saamaynta weyn ee uu ku leeyahay garoomada iyo sida uu kooxdihiisa uga taageero guusha, taasi oo ay aad ugu jeclaatay. Ronaldo ayaan arrintan ka hadal.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here