Fadeexad: Hay’adda World Vision Oo Madaamadaha Ciyaalku Ku Ciyaaraan Oo Ey Ka Samaysan U Qaybisay Ubad Gaajo Iyo Duruufo Adagi Ku Haystaan Deegaamadii Duufaantu Haleeshay

0
164
Lawadaag Asxaabta...

Boorama, (Foore)- Hay’adda Caalamiga ah ee World Vision oo ka mid ah hay’adaha Caalamiga ah ee ka hawl gala Deegaamada Somaliland ayaa Madaamadaha ciyaalku ku ciyaaraan oo qaarkood muuqaaladoodu Ey iyo xayawaano kale yihiin waxa ay u qaybisay qaar ka mid ah caruurta ku sugan deegaamadii dhawaan masiibada Duufaantu ku dhufatay ee xeebaha Galbeed ee Somaliland taasi oo si weyn uga cadhaysiisay dadkii dhibaataysnaa ee deegaamadaasi kuwaasi oo hay’addan ku eedeeyey in halkii ay waxtar umadda gaajaysan ee bannaanka fadhida uga keeni lahaayeen ay u qaybiyeen wax aan munaasab ku ahayn xaaladda ay wakhtigan ku sugan yihiin.

Muuqaallo laga diyaariyay Arrinkan layaabka leh ee ay hay’addani ku kacday oo lagu baahiyey baraha xidhiidhka Bulshada ee Youtube ayaa waxa uu muujinayaa ubad yaryar oo sita Alaabaha ciyaalka gaaladu ku ciyaaraan oo qaarkood Ey iyo Doofaarro yihiin kuwaasi oo ah walxaha TOYS-ka loo yaqaano ee ay ciyaalku ku ciyaaraan oo ah waxlo xayawaano ah kuwaasi oo ay dadka deegaanku aad uga gilgisheen hay’addaasina ku eedeeyen in aanay ixtiraamin dareenka iyo duruufta ay ku sugan yihiin wakhtigan dadka deegaamadaasi oo u baahnaa cunto, cabitaan iyo hu’ ay dhaxanta iyo roobka ka galaan balse aan u baahnayn agabka ciyaalku ku ciyaaraan.

Muuqaalka ayaa muujinaya mid ka mid ah ubadka deegaankaasi ee loo qaybiyay alaabtan lagu ciyaaro kaasi oo sheegay in aanay alaabtan doonayn ee ay rabeen mucaawimo iyo wax loo qabto balse ay tan u arkaan waxyeelo loo gaystay iska daa wax la taree. Wiilkan yar oo arrintaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Waxaanu nahay dadkii Duufaannadu ku dhaceen. Gaar ahaan dhibaato weyn ayaa naga soo gaadhay haddii aanu nahay caruurta. Halkii aannu ka sugaynay dhar iyo wax aanu xidhano iyo wax aanu dhaxanta iyo cadceedda ka galno ama wax aannu cunno ayay noo keeneen madaamado. Madaamadahan waxa loo geeyaa ubadka dadkoodu dhargeen ama dadka lacagta lihi ay dhaleen ee annaga munaasab naguma aha. Halkii aanu kaga farxi lahayn cunto aannu cunno ayay noo keeneen madaamado. Waxa ay noo keeneen madaamado iyo Ey iyo waxa ay caruurtoodu ku ciyaarto. Waxaana nin dharagasan uunbaa qaata oo caruurtiisa ku ciyaarsiiya. Duufaanno ayaa nagu dhacay. Annaga oo sidii kale u dhibaataysan ayay waxan nala soo doonteen oo Ey madaamado ah noo keeneen World Vision”.   Ayuu yidhi wiilkan yari isaga oo diif xumi ka muuqato.

Hay’adda World Vision ayaan ka hadal wali arrintaasi lagu eedeeyey ee dhibaatada ah oo u muuqata mid bah-dil ah oo ay shacabka dhibaataysan kula kaceen halkii ay gargaar uga gayn lahaayeena ay madaamado iyo wax aan macno lahayn uga geeyeen ubadka dadkii waxyeeladu ka soo gaadhay duufaantii Sagar ee bishii hore ku dhufatay deegaamada Xeebaha Somaliland gaar ahaan kuwa dhinaca galbeed oo ay deeqdan madaamadaha ah gaadhsiiyeen. Shacabka Somaliland ayaa inta badan dhaliila doorka wax-tar ee hay’adaha dalka jooga ee dhinaca samafalka iyaga oo lagu eedeeyo in aanay wax manaafacaad leh dadka iyo dalka u gaysan halka taa baddalkeeda ay malaayiin dollar dalkan magaciisa ku soo qaataan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here