Eritrea iyo Itoobiya Oo Ciyaar Kubadeed Oo Saaxiibtinimo Foodda Isku Dari Doona Markii Ugu Horraysay!

0
123
Lawadaag Asxaabta...

Xidhiidhada kubadda cagta ee Itoobiya iyo Eritrea ayaa ku heshiiyay inay qaban doonaan caayaar taarikhii ah oo saaxibtinimo oo dhex mari doonto xulalka labada dal ee kubadda cagta.

Xulalka kubadda cagta ee Itoobiya iyo Eritrea ayaa bisha inagu soo aadan ku cayaari garoonka kubadda cagta ee magaalada Asmara.

Xulalka labada dal ma aanay wada ciyaarin kulan kubadeed iyada oo xidhiidhka labadan dal xumaa tan iyo sannadkii 1998-dii oo ay qarxeen dagaalladii xadka.

Xulka Itoobiya ayaa qaadacay ciyaar ay la yeelan lahaayeen xulka Eritrea sannadkii 2000 iyo cayaaraha bariga Afrika ee CECAFA sannadkii 2010-kii ee lagu qabtay magaalada Asmara.

Balse xulka Eritrea waxay ku guuldaraysteen inay qayb galaaan cayaaraha CECAFA ee sannadkii 2015-kii.

Tabbabaraha cusub ee Xulka Itoobiya Abraham Mebratu ayaa la filaya inuu shaaca ka qaado taarikhda rasmiga ah ee cayaarta la qaban doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here