Erdogan Oo Ka Badheedhay Dhismaha Ciidamada Somalia Shalayna Muqdisho Usoo Diray Wasiirkiisa Gaashaan Dhigga Iyo Taliyaha Ciidamada Turkiga

0
69
Lawadaag Asxaabta...

Muqdisho, November 8, 2018- (Foore)- Kadib Ballanqaadkii ugu dambeeyey ee Madaxweynaha waddanka Turkiga Rajab Dayib Erdogan uu u sameeyey Madaxweynaha Maamulka Muqdisho ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo kulankoodii ugu dambeeyey ee ay Turkiga ku yeesheen waxa uu ka dhabaynayaa in uu dhexda u xidho taageero hagar la’aan ah oo uu Turkigu ku dhiso Ciidamada qalabka Sida ee dalkaasi Soomaaliya oo wakhtigan ah kuwo aad u baaba’san tan iyo wixii ka dambeeyey burburkii dawladdii Soomaaliya 1991-kii.

Erdogan ayaa shalay Magaalada Muqdisho u soo diray wafti ballaadhan oo ka socda wasaaradda Gaashaan dhigga iyo Taliska ciidamada Turkiga oo ay hogaaminayaan Wasiirka Gaashaan dhigga dowlada Turkiga General Hulusi Akar iyo Taliyaha Ciidamada dalkaasi kuwaasi oo shalay Galab ka soo degay garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare ku-xiggeenka Xukuumadda Federaalka ee Villa Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ay weheliyaan qaar kamid ah Masuuliyiinta dawladda Soomaaliya ayaa garoonka ku soo dhaweeyey wafdigaasi.

Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga dalka Turkiga ee soo gaadhay magaalada Muqdisho ayaa waxaa qeyb ka ah Taliyaha Ciidamada qalabka sida ee dawladda Turkiga iyo Masuuliyiin kale oo u badan Ciidamada dalkaasi Turkiga.

Ujeedada Imaanshaha Muqdisho ee Wafdigaan ayaa ah sida ay ilo xog-ogaal ahi wargeyska Foore u sheegeen siddii dawladda Turkigu u sii dar dar gelin laheyd taageeradda howlaha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo gacan weyn ay ka geystaan sidoo kalena ay u bilaabi lahaayeen qorshe ballaadhan oo Turkigu doonayo in uu ku awoodeeyo ciidamada Maamulka Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Difaaca dawladda Turkiga iyo Wafdiga uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inta ay ku sugan yihiin Muqdisho in kulamo kala duwan ay la qaataan Madaxda sare ee dalkaasi iyo Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida, iyada oo dib loo qiimayn doono wixii uu qabtay saldhiggii uu dalkaasi Turkigu ka samaystay Muqdisho oo ay wakhtigan ku xeraysan yihiin cidamado kamaandows ah oo Soomaalida loo tababarayo.

Dalalka Jaarka ee saamaynta weyn ku leh dalkaasi Soomaaliya sida Itoobiya iyo Kenya ayaa in badan lagu eedayn jiray in ay inta badan is hor taagi jireen qorshe kasta oo ciidamada qaranka Soomaaliya loogu dhisayo balse waxa ay wakhtigan u muuqataa mid Turkigu aanu cidna ka dhagaysanayn qorshihiisa ku aaddan taageerada dhinacyada badan leh ee uu siiyo Muqdisho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here