Eng. Maxamed Xaashi Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Baaqay In Uu Dib U Soo Celiyo Dugsigii Women’s Club-Ka Ee Ay Hore U Qaadatay Marwo Aamina Weris

0
654
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, September 15, 2018- (Foore)- Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Md. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa sheegay baahida loo qabo in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu ku sii socdo go’aamada uu ku soo celiyey qaar ka mid ah hantidii dawladda ee hore dad gaar ah loogu wareejiyey isaga oo si gaar ah farta ugu fiiqay in Madaxweyne Muuse Biixi looga fadhiyo in uu sidoo kale gacanta dawladda ku soo celiyo Dugsigii caanka ahaa ee Women’s Club oo wakhtigan qayb ka ah Huteelka weyn ee ay Hargeysa ka dhisatay Marwadii hore ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Marwo Aamina Weris Sheekh Maxamed Jirde.

Mujaahid Maxamed Xaashil Cilmi, Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland ahna xubin ka tirsan madasha wada tashiga Somaliland waxa uu isaga oo telefishanka UNIVERSAL waraysi gaar ah siinayay ku sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu ku ammaanayo diiwaan galinta la sheegay in lagu samaynayo hantidii dawladda ee cido gaar ahi ka faa’iidaysatay waxaanu sheegay in uu rajo weyn ka qabo in la soo celiyo Dugsigaasi Caanka ahaa ee haweenka qiimaha badan ugu fadhiyey. “Hantidan Umadda ee la yidhi hala diiwaangaliyo waa Shay loo baahan yahay, kolkaa Dawaan-galinta illaa waxa kujiraysa Xaruntii Women’s Clubka ee la dumiyay ayaa ku jiraysa waxyaabaha aan ka filayno in lasoo Celiyo”..ayuu yidhi Warays hordhaciisa uu baahiyey Telefishanku kaasi oo ay dhawaan baahin doonaan.

Xaruntii Dugsiga Women’s Club ka oo ahaa Dugsi caan ah lana aasaasay wakhtigii Ingiriiska ayaa tan iyo markii xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo cid gaar ah siisay waxa dad badani ku baaqayaan in Dugsigaasi iyo meelaha kale ee Muhiimka ahaa ee gacanta dawladda ka baxay dib loogu soo celiyo. Halkii uu Dugsigaasi ku ooli jiray ayaa inta la burburiyey waxa lagu daray oo wakhtigan uu barxad gaadiidku u joogsadaan looga dhigay Huteelka Aamina Weris ee Jirde Hotel.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here