Duuliye Khatar Galiyey Dayaaraddii Uu Waday Ka Dib Markii Uu Sigaar Ku Dhex Cabay

0
49
Lawadaag Asxaabta...

Beijing, July 14, 2018- (Foore)- Duuliyaha labaad ee dayaarad ay leedahay shirkadda Air China ayaa sababay in dayaaraddu ay si degdeg ah hoos ugu soo dhaadhacdo sida ay baadhayaashu sheegeen. Waxay sheegeen in inuu isku dayayey inuu qariyo sigaarka elektroonigga ah oo uu cabayey, isagoo si aan ku talagal ahayn u damiyey qaboojiyeyaasha dayaaradda, waxayna taasi keentay in heerka ogsijiintu ay hoos u dhaco.

Shaqaalaha saarnaa duullimaadkaas ka yimid Hong Kong ee ku sii jeeday Dalian ayaa sii daayey qalabka wajiga lagu xidho ee ogsijiinka laga neefsado, waxaana dayaaradda hoos loo soo daadejiyey 6,500 mitir (21000 oo cagood).

Goor dambe ayey ku laabatay jooggii ay ku duulaysay. Baadhitaan ay samaysay hay’adda Shiinaha u qaabilsan duullimaadyada rayidka ayaa muujiyey in duuliyaha labaad uu doonayey inuu damiyo marwaxadda gudaha ee qaabilsan wareegga hawada, si aanay urta sigaarku u gaadhin rakaabka, isagoo aan arrintaana u sheegin kabtanka, laakinse taa beddelkeedii uu damiyey qaboojiyaha (mukayifka). Rakaabka ayaa lagu wargeliyey inay suumanka dhexda ku xidhaan, iyadoo dayaaraddu ay degdeg hoos ugu dhaadhacday.

Haddii dayaaradda uu ku yaraado cadaadiska hawada ee gudaha dayaaradda, duuliyeyaashu waxay degdeg ugu dhaadhacaan joog hoose. Markii la ogaaday in mushkiladdu tahay mukayifka, ee dib loo shiday, ayey dayaaraddu jooggii caadiga ahaa dib ugu laabatay. Maamulayaasha ayaa la sheegay inay “si faahfaahsan” u baadhayaan qalabka uruuriya xogta dayaaradda, iyo kan duuba wax ka dhacaya halka dayaaradda laga hago, si si sax ah loogu ogaado sababta dhalisay xaaladdan shilka sababi gaadhay.

Maamulka dayaaradda wuxuu ballanqaaday inaanay dulqaad u yeelan doonin wixii dhaqan xumo ah ee lagu helo shaqaalaha. Xeerarka duullimaadyada ee Shiinaha ayaa ka mamnuucaya wixii ka billowda 2006 shaqaalaha diyaaradaha iyo rakaabka inay sigaar ku dhex cabaan, waxayna kaloo mamnuucayaan in la istcimaalo xataa sigaarka elektroonigga ah. Laakinse sidaasoo ay tahay waxaa jiray eedaymo la xidhiidhay in duuliyeyaal ay sigaar ku dhex cabeen duullimaadyo dayaarado Shiinaha laga leeyahay.

Warbaahinta Shiinaha ayaa sheegtay in haddii ninkan dambigan si rasmi ah loogu helo uu mutaysan karo xadhig iyo shaqada oo laga caydhiyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here