Duufaantii Ku Soo Wajahnayd Xeebaha Cummaan Iyo Yemen Oo La Filayo Inay Axadda Soo Gaadho Dalal Somaliland Ku Jirto Iyo Gobolada Ay Saamayn Karto

0
58
Lawadaag Asxaabta...

Berbera, October 11, 2018- (Foore)- Maalinta Jimcaha ah ayaa la filayaa inay dalka Cumaan ay ku dhufato duufaan xoog leh oo gaadhi doonto illaa Xeebaha Geeska Africa sida ay soo saartay oo ay shalay daabacday Qeybta Saadaashada Hawada ee Idaacadda Caalamiga ah ee BBC-du.

Duufaantan ayaa la rumeysan yahay inay tahay middii ugu xoogga badneyd ee soo marta dalalka  Cumaan Iyo Yemen iyo Wadamo kale oo ay kamid Yihiin Somaliland iyo Soomaaliya.

Duufaantaan ayaa loogu magac daray Luban waxayna Maalinta Jimcaha ah ee Berri la saadaalinayaa in ay ku dhufan doonto Cumaan ka hor inta aanay maalinta Sabtida u gudbin Yemana oo la filayo in ay ku xigsiin doonto xeebaha Bari ee Somaliland iyo Soomaaliya gaar ahaan Maamulka Puntland.

Duufaantaan ayaa lasoo warinayaa inay wadato roobab aad u xoog badan oo laga dareemi doono qeybo badan oo kamid ah waddamada ay Duufaantani kusoo socoto ee ay ku soo wajahan tahay waxaanay miisaankeedu ku dhufan doontaa waddanka Cummaan waxaana ku xiga Yeman halka ay dalalka Somaliland iyo Soomaaliya la saadaalinayo in ay ka soo gaadho roobab oyo gufaacada dabaylo biyo wata.

Dufaantaan ayaa heerkeeda lagu sheegay inay tahay heerka Koowaad sida ay shaacisay Xarunta Digniinada ka bixiso Duufaanada adduunyada ka dhaco ee Mareykanka.

Xarunta Digniinada duufaanada ee Mareykanka ayaa xustay inay Duufaanta xoogeeda uu yaraan doono marka ay ku dhufato Wadamada Cumaan iyo Yemen balse waxay sheegtay inay ka dhallan karto daadad Khatar gelin karo Qeybaha ay ka mareyso dalalka ay ku wajahan tahay maadaama ay wadato Roobab waaweyn.

Duufaantan Luban ayaa lagu wadaa in ay cidhifka bari ee Soomaaliya ku dhufato saacadaha hore ee Axadda kadibna u soo guudbto isla maalintaasi xeebaha bari ee Somaliland, ayadoo dabaylahana la qiyaasayo in xoogoodu uu noqon doono kuwo ilaa 60 mayl saacaddiiba ku socda.

Duufaannada kulaaleyaasha ayaa intooda badan waxay ka kacaan badda Carabta xilliyada Gu’ga iyo dayrta. Sannadkii ama labadii sanaba mar ayey duufaantaasi saamaysaa gacanka Carabta.

Bishii May ee sannadkan ayey ahayd markii duufaanta Sagar oo gacanka Cadmeed ku dhufatay ay sidoo kale garaacday Xeebaha Woqooyi iyo Galbeed ee Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here