Dugsiyada Hoose/Dhexe Ee SALAAMA Oo Abaal-Marino Qaali Ah Ku Maamuusay Ardaydii Kaalmaha Ugu Sarreeyay Ka Galay Sannad-Dugsiyeedkan

0
64
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, September 13, 2018- (Foore)- Xaflad ballaadhan oo lagu maamuusayay ardaydii kaalmaha ugu sarraysa ka galay Ardayda Dugsiyada Hoose Dhexe ee Laamaha kala duwan ee Dugsiyada SALAAMA SCHOOLS, laguna soo xidhayay Sannad-dugsiyeedka 2017/2018 sidoo kalena lagu daah-furayay Sannad-dugsiyeedka 2018/2019 ayaa shalay lagu qabtay Hoolka xafladaha ee Huteel Maansoor ee Caasimadda Hargeysa.

Maamulka iyo Macallimiinta Dugsiyada SALAAMA SCHOOLS oo ah Hormuudka waxbarashada dugsiyada gaarka loo leeyahay ee Somaliland ayaa waxa shalay ay si gaar ah xafladdan ugu maamuuseen dhawr boqol oo ka mid ah ardaydii Dugsiyadooda Hoose Dhexe ugu sarreeyey ee kaalmaha sare ka galay waxaana ay shalay madasha xafladdan ardaydu ku soo ban dhigeen arrimo xiise leh oo muujinaya tayada waxbarashada ay Dugsiyada SALAAMA ku qaataan.

Xafladdan abaal-marinaha kaalmaha sare iyo soo dhawaynta sannad-dugsiyeedka 2018/2019 waxa ka soo qayb galay Maamulka guud ee Dugsiyada SALAAMA, oo ay ka mid ahaayeen Mudane Cabdifataax Sh. Cabdilaahi Sh. Cumar oo ka mid ah Maamulka Guud ee Dugsiayda SALAAMA, Maamule Siciid Faarax Xuseen oo ah Maamulaha Guud ee SALAAMA, Macalimiin, Waalidiin, Madax ka kala socotay xukuumadda gaar ahaan wasaaradda waxbarashada, golayaasha qaranka iyo marti-sharaf kale oo aad u fara badan.

Ugu horrayn waxa xafladda hadallo kooban ka soo jeediyey Maamulaha Guud Ee Dugsiyada SALAAMA SCHOOLS Siciid Faarax Xuseen Waxaanu yidhi: “Dugsiyada SALAAMA waxa la aasaasay sannadkii 2008. Dugsiyada SALAAMA waa ay 10 jirsadeen oo sannadka ayaa 10-kii sano ugu buuxaa. Ilaahay mahaddii marka la eego maraaxilka ay dugsiyada SALAAMA soo mareen iyo heerka ay soo mareen waxa lagu bilaabay qaybta luuqadaha, waxa lagu bilaabay macallimiin koooban, fasallo kooban, mudaddaasi 10-ka sano ah ee ay dugsiyadani jireen waxa ay gooyeen ama ay jareen xawaare aad u dheereynaya. Haddeer dugsiyada SALAAMA waxa ay ka kooban yihiin Afar Dugsi Hoose/Dhexe oo aynu maanta halkan ugu xafladaynayno. Ama afar farac oo u qaybsama oo kala ah sidan: Dugsiga Hoose/Dhexe ee SALAAMA faraciisa 1aad oo ku yaalla xaafadda Daruuraha, Dugsiga Hoose/Dhexe faraciisa labaad oo ku yaalla Xaafadda 150-ka ama Daloodho. Faraciisa 3aad oo ku yaalla xaafadda Goljanno iyo Dugsiga Hoose Dhexe faraciisa Afraad oo ku yaalla xaafadda Calaamadaha. Sidoo kale waxa ay Dugsiyada SALAAMA leeyihiin laba Dugsi Sare oo u kala qaybsan Dugsiga sare ee Wiilasha iyo Dugsiga sare ee Gabdhaha oo aanu sannad Dugsiyeedkan furnay. Waa Ilaahay Mahaddii heerka ay Dugsiyada SALAAMA soo gaadheen, mudada ay jireen iyo horumarka ay ku tallaabsadeen. Ilaahaybaa suurto galiyey SWT. Waxaanan ku dadaali doonaa in aan dadaalkaasi uu Dugsigu muddada gaaban ku gaadhay aannu sii laban laabno umaddayadana aanu ugu adeegno tayo waxbarasho oo heer sare ah iyo tarbiyad wanaagsan oo diini ah”. Ayuu yidhi Maamule Siciid Faarax Xuseen.

Dhinaca kale waxa iyana madasha haddalo qiimo badan oo dardaaran iyo waano dhinaca waxbarashada ah iyo waliba mahadnaq ay Dugsiyada SALAAMA ugu maahd naqeen doorka ay ku leeyihiin horumarinta waxbarashada qaranka halkaasi ka soo jeediyey masuuliyiin iyo waalidiin ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Wargeyska FOORE oo ka mid ah waalidiinta ubadkoodu dhigtaan dugsiyada SALAAMA iyo sidoo kale masuuliyiin kala duwan waxaanay dhammaantood qireen tayada dhinaca waxbarashada iyo tarbiyadda ee Dugsiyada SALAAMA iyaga oo sidoo kalena ubadka ugu dardaarmay in ay waxbarashadooda sii laban laabaan oo ka faa’iidaystaan dadaalka Maamulka iyo Macallimiinta SALAAMA schools ugu hagar baxayaan.

Ugu dambayn waxa madasha xafladda lagu maamuusay oo abaal-marrino kala duwan oo qiime leh lagu guddoonsiiyey ardaydii kaalmaha ugu sarreeya ka galay afarta Dugsi Hoose/Dhexe ee SALAAMA SCHOOLS, abaal-marinnadan oo la guddoonsiiyey kaalmaha koowaad, 2aad iyo 3aad iyo waliba ardaydii ugu akhlaaqda badnayd.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here