Dugsiga Sare Ee SALAAMA Oo Abaalmarino Qaali Ah Ku Maamuusay Ardaydii Ugu Sarraysay Imtixaanaadka Sahaadiga Ah Ee Qaranka, 5 Ardayna U Diray Deeq Waxbarasho Oo Turkiga Ah

0
260
Lawadaag Asxaabta...

Tirada Ardayda SALAAMA Ee Ku Guulaystay Top Ten-ka Imtixaanka Qaranka Iyo Ardayda Soomaalida Ee Deeqda Waxbarasho Turkiga U Tagaya Oo Ardaygii Ugu Sarreeyey SALAAMA Noqday

Hargeysa, September 22, 2018- (Foore)- Xaflad ballaadhan oo lagu maamuusayay, abaal marino qaali ahna lagu guddoonsiiyey Ardaydii Kaalmaha ugu sarreeya ka galay imtixaankii qaranka ee ka socday Dugsiyada sare ee SALAAMA Schools, iyo kuwii Dugsiga gaar ahaan kaalmaha ugu sarreeya iyo dhinaca Akhlaaqda ka galay sidoo kalena lagu furayay Sannad-dugsiyeedka cusub ee 2018/2019 ee Dugsiyada Sare ee SALAAMA  ayaa ka qabsoontay Hoolka xafladaha ee Huteel Maansoor ee Caasimadda Hargeysa, xaflad ay ka soo qayb galeen Maamulka Sare ee Dugsiyada sare ee SALAAMA, Macallimiinta, Waalidiinta, Wasiirka Waxbarasahda, Saraakiil kale oo ka socotay Wasaaradda Dhallinyarada iyo ciyaaraha, Golayaasha qaranka, Xisbiyada qaranka, Hay’adaha waxbarashada, iyo marti sharaf kale oo badan.

Dugsiyada sare ee SALAAMA oo ah hormuudka Dugsiyada gaarka loo leeyahay ee Somaliland kuwooda ugu tayada wanaagsan dhinaca tacliinta iyo tarbiyadda, intii uu jirayna aan mar kali ah kaalmaha ugu sarreeya ee Natiijada Imtixaanaadka qaranka ka daadagin top Ten-ka sannad walbana arday ku lahaa, dadweynuhuna aad ugu majeertaan tayadiisa waxbarasho ayaa waxa uu maanta xaflad ballaadhan ku maamuusay ardaydii Dugsiga ka tirsanayd ee kaalmaha ugu sarreeya ka galay imtixaankii heer qaran iyo waliba ardaydii kaalmaha koowaad, labaad, saddexaad iyo dhinaca akhlaaqda u gashay imtixaankii Dugsiga ee sannad-dugsiyeedka 2017/2018, iyada oo Dugsigu sidoo kale Abaal marino kala duwan oo qaalli ah guddoonsiiyey ardaydaasi oo tiradoodu ka badnayd 92 Arday.

Waxa xafladda si gaar ah u muuneeyey oo Maamul, Madax iyo shacabba aad loogu bogaadiyey looguna farxay 5 Arday oo ka mid ah ardayda Dugsiga SALAAMA ka baxday oo deeqo waxbarasho (Scholarship) ka helay dalka Turkiga. Shantaasi arday oo laba ka mid ahi deeqaha waxbarasho ku heleen imtixaan ay u galeen halka saddexda kalena ay ku gudbeen Interview ay u fadhiisteen kuwaasi oo dhammaantood helay waxbarasho sare oo qaali ah oo Caafimaadku ka mid yahay. Taasi oo muujinaysa midhaha tayada waxbarasho ee Dugsiga SALAAMA iyo sida ardaydiisu jaamacadaha dunida ugu sarreeya ay uga helayaan deeqo waxbarasho.

Ugu horrayn Xafladda waxa hadallo ka soo jeediyey Maamulaha guud ee Dugsiyada Sare ee SALAAMA Siciid Faarax Xuseen waxaanu yidhi: “Xafladda waxa aynu ku maamuusi doonaa in ka badan 90 arday oo kaalmaha hore ka galay Dugsiga sare ee SALAAMA galaasyadiisa kala duwan. Waxa kale oo aynu ku maamuusi doonaa labadii arday ee ka mid ahaa tobanka arday ee kaalmaha ugu sarreeya ka galay imtixaanaadka qaranka kuwaasi oo kala ahaa kaalinta afraad iyo kaalinta tobnaad. Waxa kale aynu iyana xafladdan si gaar ah ugu maamuusi doonaa arday dugsiga ka tirsan oo ka qayb gashay imtixaan ay qaadaysay Jaamacad weyn oo Turkiga ahi oo ardaygii ugu sarreeyey dhammaan ardayda Af-soomaaliga ku hadashaa uu ka tirsanaa Dugsiga SALAAMA. Dugsiyada SALAAMA waxa la aasaasay sannadkii 2008 bishii 10aad Afarteedii waanu toban jirsaday Dugsiyada SALAAMA. Maraaxil kala duwan ayuu dugsigu soo maray iyada oo lagu bilaabay 8 macallin iyo 8 fasal. Ilaahay mahaddii maanta waxa uu marayaa Afar Dugsi Hoose Dhexe oo ku kala yaalla xaafadaha magaalada Hargeysa iyo laba Dugsi sare oo ah Dugsiga sare ee Innamada iyo Dugsiga sare ee Hablaha oo aannu sanadkan hirgelinay oo waxbarashadu ka socoto labada gelinba”.

Agaasimaha Waaxda Dugsiyada Gaarka ah Muuse Maxamed Shide (Xayaakallah) oo isna xafladda ka hadlay ayaa ku dheeraaday ammaan badan oo uu u soo jeediyey dadaalka dugsiga SALAAMA iyo qiimaha uu dalka ku leeyahay waxaanu yidhi: “Waan u hambalyeynayaa caruurta dadaashay ee Dugsiyada gaarka ah,  gaar ahaan SALAAMA oo laba arday ku lahaa sidoo kalena ardayda deeqaha waxbarasho heshay ku leh arday badan. SALAAMA waxa ay ka mid yihiin dugsiyada aannu aadka ugu faanno ee aannu ku kalsoonahay oo aanu ku ognahay macallimiin mudakar ah oo lagu aamini karo waan ognahay waanan ku hambalyeynaynaa”.

Dhinaca kale waxa isna xafladdan ka hadlay Xoghayaha Cadaaladda ee Xisbiga WADDANI Md. Barkhad Jaamac Batuun oo isagu si gaar ah Dugsiyada SALAAMA ugu ammaanay tayada aqoonta iyo dhismaha akhlaaqiyaadka ardayda waxaanu yidhi: “Anigu shakhsi ahaan arday badan oo Dugsiyada dalka ka soo baxay ayaan jaamacadaha waxa ugu dhigay. Waxaan qirayaa ardayda SALAAMA ka soo baxdaa in ay yihiin ardayda ugu aadaabta iyo akhlaaqda badan fasallada aan wax ka dhigo ee Jaamacadda Hargeysa oo kale. Arday badan baan ka xasuustaa oo dufcadihii kala dambeeyey ee kuwan ka horreeyey ah. Waxa aan sidaa u leeyahay waxa weeyi waxa muuqata in ay yihiin arday tacab la soo galiyey”.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Boos Mire Maxamed oo isna madasha xafladda ka hadlay waxa uu yidhi: “Xafladdan quruxda badan ee lagu dhiirri gelinayo ardaydii kaalmaha hore gashay iyo ardayda heshay deeqaha waxbarasho ee Turkiga. Aadbaannu ugu faraxsanahay oo u hambalyeynaynaa. Da’dani waa da’da la doonayo in ay dalkeena wax ka badasho oo horumarkiisa ka shaqayso musataqbalka, maadaama ay yihiin kuwii dalkan u soo kacayay ee wax u soo baranayay. Waxaan u mahad-naqayaa Ilaahay SWT idin waafajiyey in aad sidaa wax u barataan sidoo kalena waxaan u mahad naqayaa maamulka iyo macallimiinta SALAAMA oo meel sare kaga jira tacliinta dalka si gaar ahna idiinku hagar baxay. Maasha Allaah ayaanu leenahay waxaanan idiin rajaynaynaa Guul”.

Ugu dambayn waxa halkaasi Abaal marino qaali ah oo qaarkood isugu jiraan Koombuyuutarro Labtop-yo ah iyo Moobilo casri ah lagu guddoonsiiyey 92-kii arday ee kaalmaha koowaad, labaad iyo saddexaad iyo waliba akhlaaqda ka halay dugsiga iyo sidoo kale labadii Arday ee Kaalinta Afraad iyo kaalinta 10aad ka galay Imtixaankii shahaadiga ahaa ee Dugsiyada gaarka ah ee Heer qaran oo SALAAMA ka tirsanaa. Iyada oo sidoo kale Maamulka Dugsigu halkaasi ka yeedhiyey magacyada shanta arday ee ku guulaysatay deeqaha waxbarasho ee jaamacadaha ugu qaalisan dalka Turkiga oo dhawaan dalkaasi u dhoofi doona.

Halkan Ka Daawo Xafladda:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here