Dugsiga Abaarso Fidinta Magaca Somaaliland Qayb Intee Leeg Ayuu Ka Qaatey?….W:Q Maxamed Xashi

0
96
Lawadaag Asxaabta...

Marka aynu ka tagno dadkeena intooda waxbarashada ku xidhan mooyee,maaha kuwa lasocda dadka badankiisu,waxtarka iyo manaafacaadka dugsigani omaliland kusoo kordhiyey. Maalgalintii ugu qaalisaneyd ee waxbarasho ee abid Somaliland caalamka ka hesho waxay ahayd  12th June,2009 markaas oo ahayd markii albaaba laa furey dugsiga Abaarso.

Sumcada magaca wadata ee sii kordheysa iyo iftiinka aqooneed ee Abaarso ka muuqda waa mid soo jiitey dunida cilmiga ku saleysey noloshooda iyo mustaqbalkooda.

Haddeynu isku deyno ineynu si kooban wax uga taabano faa’idooyinka midho dhalka ah ee dugsigan Somaliland u leeyahay mid waxbarasho iyo tu siyaasadeed ba.

Ummadaha geeska Africa ee saboolnimo ku abtirsadaa ee Somaliland na kamid tahay, waxuu dugsigani adduunyada u caddeeyey in Talent qof Ilaahay siiyo iyo faqrigu   ay yihiin laba kala jaada, haddii ay awal jirtey in dalalka ladani ay

aamminsanaayeen inay ka miskax xeel dheer yihiin dadka dhaqaalahoodu liito, dugsigan Abaarso aragtidaa dadka qaar qabeen meesha wuu ka saarey fikirkaana muuqaal kaley u yeeleen .

Khuburo Mareykana kana mida dadka dugsigan waxtara oo socdaalo isdaba jooga Hargeisa ku soo gaadhey waxay aad ula yaabeen ama ay isbarbardhig ku sameeyeen sidey ku tartamaya an,ardeyka soo jeeda dal yar oo Somaliland la yidhaa adduunyaduna aaney aqoonsaneen iyo ardey ku dhashay gobolka California  oo aabihii yahay Engineer hooyadiina tahay dakhtarad balse ardeygii Abaarso  uu imtixaanka ka horreeyo kii gobolka California.

Ardeygan garaadkiisa waxbarasho iyo kiisa akhlaaqeedba  sarreeyo ee Abaarso,waxuu xasuus ma hadho ah ku reebey   dhammaan dadkii ajanabiga ahaa ee  ay kula kulmeen goobaha  waxbarashada ee ay ardeydani ku kulmeen.

Dugsiga Abaarso waxuu ka mid yahay  12 dugsi oo qaarada Africa ku yaal oo shahaadadooda la ictiraafey. Hay’adda marka la soo gaabiyo la yidhaa NEASC ee dalka Mareykanka u qaabilsan qiimeynta waxbarashada  waxay dugsigan Abaarso ka dhigtey in shahaadadiisa meel walba lala aadi karo (Muctarif) ah gaar ahaan jaamahacaddaha dalka Mareykan ka oodhan .

Ardeyda deeqaha waxbarashada dabadeed taga waxay ku safraan Passportka Somaliland, ammuurtan oo ah mid cadow geena laf jab iyo uurku taalo ku ah,shacbiga Somaliland farxad iyo horumar u ah.

Gabi ahaanba ardeydani markey jaamacaddahooda soo dhameystaan waxay dib ugu soo noqdaan dhulkooga hooyo.Soo laabashada ardeydani waxay fijiciso iyo amakaag ku noqotey xafiisyada socdaalka ee Mareykanka. Qof Africa ka yimid oo haddana jecel waxbarashadiisu ka dib inuu ku noqdo dhulkiisii ,waa arrin aan hore usoo marin iyaga ,arrintani waa mid noqotey in la aamino Somaliland  iyo ardeydeeda gaar ahaan dugsiga Abaarso.

Marka laga tago aqoonta waxbarasho iyo sharafta uu dugsigani Somaliland u soo jiidey , waxa cad im ardeydani yihiin kuwa caqligooda iyo fikirkooduba  dhisan yahay, haddeynu tusaale nool qodobkan ku taageerno :

Ardeykamid ahaa ardeyda deeqda waxbarasho dibadda u aadey ayey hooyo dii ku tidhi”Hooyo Mareykanka iska gal oo hore iskaga sii soco meeshana meel ka fog iska tag wuxuu se ardeygii yaraa waalidkii ugu jawaabey ,“ Haddaan sidaa aad igu lataliseen sameeyo waxaan noqo nayaa mid ardeyda u horseeda xumaan ,waxaana dhacaysa inaan noqdo mid xannibaya ardeyda iga danbeysa,waliba waxaa suuro gal ah in aaminaadii Somaliland iyo dugsiguba lumaan ama gubtaan,mucaaminadii  iyo deeqdii waxbarasho dhibaato soo gaadho . Sheekadani waa mid ina xasuusineysa sida uu fahanka ardeydu usareeyo.

Kumanaan qof oo dunida saddexaadka ka dhoofey oo dadka Af-Soomaaliga ku hadlaana ku jiraan ayaan nasiib u helin inay helaan Hartford iyo kuwa la midka ah ba .

Inta caqligoodu shaqeeyo, Soomaalinilaanimduna biyo dhigtey,waxay dugsigan u arkaan jidkii aqoonsiga Somaliland soo mari lahaa .

Fursadan naadirka ah ee Somaliland Ilaahay kanbalkeeda keeney waxa mahadeeda leh Ilaahay,waxaana aynu uga faa’ideysan karnaa siyaabo badan oo anfaca dalkeena,waxa kaloo mahad celin leh qurbo joog iskuma jiree inta waxbaratey ee kartida Alleh siiyey, ee ay ka go’antahay inay dadkooda iyo dalkooda waxbaraan dugsiganna soo agaasimey, kana soo shaqeeyey,iyo cid kastoo aasaaskiisii wax ku lahayd.Waxa kaloo mahad celin mudan soo dhawentii dadkii reer Abaarso oo dugsigan gacmo furan ku qaabiley.

Waxaa yana si weyn loogu baahanyahay in dawlad iyo shaciba Somaliland ka qeyb ka qaadato wixii hawla dugsigan ka socda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here