Dowladda Farmaajo Oo Hadhaaga Qalabkii Ugu Dambeeyay Ee Maamulka Hawada Kalasoo Wareegtay Nairobi Iyo Somaliland Oo Aamusnaan Doorbiday

0
91
Lawadaag Asxaabta...

Muqdisho, October 13, 2018- (Foore)- Dowlada Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula wareegtay qalabkii hadhaadaga ahaa ee yaalay xafiiska Maamulka Hawada Soomaaliya ee Magaalada Nairobi.

Qalabkan oo muhiim u ahaa ayaa waxaa goobta lagu wareejinaayay ku sugnaa Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad iyo shaqsiga dowlada Itaalka daran ee Soomaaliya ugu magacaaban Siihayaha safaraada Soomaaliya ee Kenya Cali Maxamed Sheekh. Waxaa goobta ku sugnaa Saraakiil ka tirsan laanta duulista iyo Hawada Kenya oo iyagu loo soo xilsaaray inay wareejiyan qalabka oo markii hore ka dhinaa dowlada Somalia oo hore qalabkii halkaasi yaalay u raratay.

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya Mr Oomaar, ayaa sheegay in dhammaan qalabkii yaalay Xarunta laga maamuli jiray Hawada Soomaaliya lagu wareejiyay isla markaana ay ku xareeyeen safaarada Soomaliya ee Kenya.

Oomaar, waxa uu sheegay in qalabkaasi uu yahay hanti Qaran sidaana looga shaqeyn doono Soomaaliya, waxa uuna muujiyay dareen ku aadan in baahi loo qabay qalabka.

Hawada Soomaaliya oo ay Somaliland kujirto ayaa haatan waxaa laga maamulaa Garoonka Aadan Cadde ee Caasimada Maamulka Soomaaliya ee Muqdisho kadib dadaal dheer oo ay muujisay sida ay warbaahinta Xamar daabacday dowlada uu Hogaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo. Somaliland oo Muddo dheer dagaal kula jirtay inaan Maamulista Hawada Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland lagu wareejin Soomaaliya oo si gaar ah Maamulista Hawada Somaliland loogu daayo ayaad moodaa inay hadda hawlgabtay islamarkaana ay wax kala kaga mashquushay waxaana dhawaan dhici doono in madax la iskula gali doono marka amar lagu soo rogo Duuliyaadyada Somaliland yimaada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here