Dookha Haweenku Ku Raacaan Ragga Ama Jecel Yihiin In Raggu Yeeshaan

0
168
Lawadaag Asxaabta...

Sideedaba Nolosha Lammaanuhu waxa ay ku dhisantaa dookh iyo rabitaan dhex mara labka iyo dheddiga oo ah kuwa wada noolaanshahoodu aasaaska u yahay dunidan jiritaankeeda. Nin waliba marka hawo guur gasho waxa uu hoosta ku sitaa liis ay ku xardhan yihiin nooca ama astaamaha uu ka rabo in ay yeelatomataanta nolosha la wadaagaysaa sidaa si la mid ah haweenay kastaa waxa ay haysataa astaamo ay jeclaan lahayd in uu yeesho ninka ay nolosha la wadaagi doontaa mase wada dhammays tirmaan arrimahaasi oo qof waliba nooca astaamood ee uu jecel yahay kama wada helo midda calafku raacsho. Sunnaha nolosha ayay ka mid tahay in aanay wax kastaa u dhicin sida loo jecel yahay mar walba waana xikmad rabbaani ah. Haddii aad mid ka mid ah asaxaabtaada guurdoonka ah waydiiso astaamaha uu jeclaan lahaa in uu yeesho qofka uu damacsan yahay in uu guursadaa, xaqiiqanimo waxa markaaba laguu dareerin doonaa liis ay ku aoran yihiin astaamaha uu jeclaan lahaa in qofkaasi yeesho. Waxa hadaba la is waydiiin karaa haweenku astaamaha ay jecel yihiin in ay ragga ku arkaan waa kuwee?

Waa kuma ninka ay gabadh kastaaba raadkiisa hayso? waxaanay laba dumari isku dhaafayni waa in ninka dhamayska tirani uu leeyahay calaamadahan soo socda:

Gabadhu waxay jeceshay ninka runta sheega, iyada oo ka soo dheehata arrinkan shakhsiyaddiisa iyo qaabka uu ula macaamilayo iyada, hadallada uu ku odhanayo, ninka runta badani waa ninka kaliya ee mutaystay kalsoonideeda, isla markaana ay ku xasiloontahay haddii uu ugu ballan qaado arrin inuu ballankiisaa oofin doono.

Ninka toosani waa ninka ay gabadhuhu raadiyaan, isaga oo shaqadiisa, reerkiisa iyo noloshiisaba si toosan u maamula, waana ninka garanaya macnaha dhabta ah ee uu leeyahay sugnaanshiyuhu.

Ninka jecel reerkiisu waa nin guulaystay, waayo waxa uu markasta ka fikirayaa aasaasidda iyo dhidibbo u taagidda reer, caruur dhalata isla markaana waxa uu raadiyaa xidhiidhada dhabta ah sidii uu u heli lahaa lamaane nolosha uu la wadaago, isla markaana reer u wada dhisaan.

Ninka kaftanka badan, dabeecadda wanaagsan isla markaana qalbiga jilicsan, waa nin aad u jecel xaaskiisa, waayo dumarku xaaladdan waxay ninkan ka helaan nolol farxad badan oo ka madhan murugo iyo walbahaar. Ninka masuulka ah kaasi oo tunka u ridanaya culayska masruuf ee reerkiisa, gabadhu ninka noocan ah waxa ay agtiisa ka dareentaa ammaan, waayo waxa uu dareensiiyaa isku filnaanshiyo maaliyadeed, dhaqaale ama dakhli oo ay noloshooda ku maareeyaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here