Dood Ka Taagan Markii Xiddig Caan Ah Oo Jarmal Ahi Xafladda Arooskiisa Ku Soo Casuumay Madaxweyne Erdogan

0
302

Ankara (Foore)- Doodo xiiso badan oo dhinacyo kala duwan qolo waliba ula kacday ayaa ka taagan markii Halyayga xulka qaranka Jarmalka iyo kooxda kubadda cagta waddanka Ingiriiska ee Arsenal Mesut Ozil uu Madaxweynaha waddanka Turkiga Rajab Dayib Erdogan qasriga Madaxtooyada Turkiga ugu geeyey kaadhka Marti-qaadka Xafladda Arooskiisa.

Xiddiga lugta bidix ku caan baxay ee xirfadda badan oo asal ahaan ka soo jeeda waddanka Turkiga ayaa Jimcihii Kaadhka Xafladda Arooskiisa waxa uu xafiiskiisa ugu geeyey Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan oo ay dhawr heer ooh ore kulmeen arrintaasi oo warbaahinta dalalka Turkiga iyo Jarmalku si weyn wax uga qorayaan.

warbixintan oo shabakadda wargeyska Foore idiin soo turjumay waxa ay intaasi ku daraysaa, Mesut Ozil ayaa markii uu kaadhka casuumadda Xafladda arooskiisa Madaxweyne Erdogan guddoonsiinayay waxa la socotay haweenayda u doodan ee uu doonayo in uu guursado oo ah gabadh da’yar oo u dhalatay waddanka Turkiga oo lagu magacaabo Amiina Gulse oo ah sidoo kale gabadhii hore ugu guulaystay tartanka quruxda haweenka dalka Turkiga oo ah gabadh ay muddo isku cindan yihiin halyeyga reer Jarmal ee Ozil.

Arrintan ayaa haddaba ku soo beegmaysa wakhti siyaasad ahaan dalalka Jarmalka iyo Turkiga xurguf siyaasadeed u dhaxayso sidoo kalena ay dalka Jarmalka ku badan yihiin dad badan oo ka soo horkeeda nidaamka hogaamineed ee Ankara.

Dhinaca kale saxaafadda dalka Jarmalka ayaa Ozil ku tilmaamay khaayinul wadan mar walba buunbuuniya dalka uu dhalasho ahaan ka soo jeedo ee Turkiga halka siyaasiyiin badan iyo kooxaha sida weyn Turkiga uga soo horjeedaa ku baaqayeen in muddo ah in Ozil laga eryo xulka Jarmalka sidoo kalena dhalashada lagala laabto balse sharciga dalkaasi ayaan ogolayn maadaama uu ninkani ku dhashay Jarmalka.

Lama oga in Erdogan marti qaadkan si rasmi ah u aqbalay oo uu isaga laftiisu ka soo qayb gali doono xafladda aroos ee Mesut Ozil iyo in uu masuuliyiin kale oo waaweyn u igman doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here