Digniinta Iyo Qaylo Dhaanta Bulshada Somaliland Ee Xarunta Dhaqanka Hargeysa “Waxaan Ka Qayb Galay Kulan Ku Saabsan “Speed Dating” Xarunta Lagu Qabtay” Sharmaarke Ismaaciil.

0
242

Xarunta Dhaqanka ee Hargaysa: Anigu inta aan ka ogahay aan idin la wadaago. Been ku weerar iyo been ku difaac labadaba uma arko wax hagaagsan.

Maalin ayaa waxa nalagu casuumay XDH. Waxa casuumaddu khusaysay shir ay ku lahaayeen hay’ado dhawr ah. Shirkii aanu u soconay hawl kale ayuu isu rogay. Waxa dhacday in kuraas la sallaxay. Shan kursi ayaa dhabarka la isu saaray, toban kursi oo kalena waa laga soo hor jeediyay. Warka oo kooban, waa toban qof oo kulaalaya shan qof.

Waxa uu yidhi Guddoomiyaha xaruntu, Md. Jaamac Muuse, waxa aynu galaynaa hawl la yidhaa “Speed Dating”. Kalmaddaa waligay ma maqal fikirna kama haysan sida ay wax noqon doonaan. Markii shan qof dhexda la dhigay, ayaa tobankii kalena ku soo xoomeen. Halkii fadhiisannay. Sidii aan wax kale u sugayay ayaa nalagu wargeliyay in laba qof oo kastaa ay iswaraystaan muddo hal daqiiqo ah, ka dibna tobanka qof qofkasta oo ka mid ahi uu baddali doono halka uu fadhiyo si uu qof kale u waraysto hal daqiiqo. Markiiba waxa aan fahmay in ay tahay “Shukaansi Boobsiis ah”.

Dhallinta meesha joogtaa waxa ay u badnaayeen dhallintii Hargaysa oo dumar u badnaa. Nalama waydiin in aanu doobab nahay oo aanu isaga baahanahay Shukaansigan Boobsiiska ah iyo in aanu nahay dad reero leh oo aan hawlahaa geli karin, mar hadii uu shukaansi yahay. Laakiin la iskumaba habsaamine dadka waanu garanaynay oo halka daqiiqaba waxa uu naga dhacay sidaanu u lahayn waxan afka nalaga soo geliyey maxay ahayd.

Markii hawshii dhammaatay ayaa naloo sheegay in uu shirku dambeeyo, laakiin kuwo sugay shirkaa maanu ahayne albaabka ayaanu boobnay.

Hadaba waxa aan baadhay waxan halkee laga soo xaday, ilayn Soomaalidu waxba ma curiso oo waa tuugo wax uun ka soo xadda’e. Waxa jirta gabadh ingiriis ah oo la yidhaa Cilla Black oo curisay barnaamij shukaansi ah oo la yidhaa “Blind Date”.

Halkaa waxa iiga soo baxay in xaruntu ku hawlan tahay hawlo ay qabtaan dad aynaan isku diin, dhaqan, fikir, iyo anshax ahayn. Dhaqamadaasi waa kuwo mashaariic loo qortay oo qaadhaan bixiyayaal waawayni lacag badan ku bixiyaan isla markaana loo bud-dhigay in ay ka soo baxaan midho ay u aayaan dadka dhulkan ku nool.

Ugu dambayn, dadka dhaqanada xun faafiya ee xarunta lagu soo casuumo iyo ujeeddooyinka ka dambeeya waxa aan kaga hadli doona qoraalkan qoraalka xiga hadii Alle ogolaado.

W/Q Sharma’arke Ismaaciil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here