Digniin Halisa: Daraasad Cusub Oo Lagu Ogaaday 8 Waxyaabood Oo Sababa Cudurka Wadne Xanuunka

0
67
Lawadaag Asxaabta...

Xanuunada ku dhaca wadnaha ayaa noqday kuwo muhiimad badan la siiyo wakhtiyadan ugu danbaysay guud ahaanba caalamka. gaar ahaana waddamada loo yaqaano Super Powers-ka ee dhinaca Warshedaha ka hour maray iyowaliba dalalka soo koraya maadaama wadne xanuunku noqday cudur aad dhibaato badan ugu haya dadka loona baahday in baadhitaano culus mar walba la galiyo waxaana Ururka Dawladda Maraykanka u qaabilsan xanuunadda ku dhaca Wadnuhu uu soo saaray  warbixin ka hadlaysa muhiimadda ay leedahay in hoos loo dhigo tiradda uu soo ridanayo Cudurkani, iyada oo la adeegsanayo Wacyi-galin baallaadhan oo dadka loo samaynayo. gaar ahaana kuwa ku nool Dhulka Wershadlayda ah.

Hay’adda dunida u qaabilsan  Caafimaadka Adduunka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano WHO, ayaa sheegtay in xanuunadda ku dhaca Wadnaha iyo xididada dhiiga qaada sida Halbawlayaasha iyo Aroorayaashu ay yihiin 30% guud ahaanba dadka caalamka geeriyoodaa ay u geeriyoodaan Wadne Xanuun ama mid ku yimid xididada dhiiga qaada ee jidhka bini’aadamka.

Haddaba akhriste halkan kaga bogo 8 arrimood oo sabab u noqda in qofka uu la soo darso wadne xanuun ama xanuun ku dhaca xididada dhiiga qaadda, sideeddaa arrimood oo lagu soo Ururiyey baadhitaanoLagu Sameeyey dhammaan Arrimaha Keena Wadno Xanuunka kuwooda ugu badan waxaanay kala yihiin:

1- Kor u kac ku yimaadda heerka Kalastaroolka cufnaantiisu ay hoosayso ee jidhka dhibaatada u keena, iyada oo ay  dhacayso  hoos u dhac ku yimaada heerka Kalastaroolka jidhka u fiican.

2- Cadaadiska Dhiiga Oo Kor U Kaca.

3- Baruurta gaar ahaana ta kasoo baxda Caloosha hareeraheeda.

5- Qofka oo aan jimisci badan  samayn.

6- Qofka oo da’ gaadha.

7- Cabitaanka badan ee Sigaarka.

  1. Waxa kale oo uu ku gudbi karaa Jinsi ahaan (waa iyada oo qofku waalidkii ka dhaxlo).

Xigasho: Daily Mail

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here