Dib U Milicso Qisada Ku Duugan Xaaji Cabdi Waraabe Oo Ka Sheekaynaya Dagaalkii Sokeeye 1993-Kii, Sababtii C/Raxmaan Tuur Xilka Looga Qaaday Ina Cartena Loogu Diiday Ee Cigaal Loogu Dhiibay + Doorkii Axmed Mire

0
372
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, Sept 01, 2018- (Foore)- Waxaanu akhristayaashayada halkan ugu soo gudbinaynaa Qoraalka Muuqaal taariikhi ah oo laga Duubay Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi Waraabe) oo Hadda ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, Muuqaalkaasi oo laga duubay 1995-kii sida ka muuqatay Canjalada daawashada,kaasi oo uu kaga hadlay dagaaladii Sokeeye ee ka dhacay Dalka,Cidda hurinaysay ee gacanta ugu wayn ku lahayd,sidii lagu doortay Alle ha unaxariistee Cabdiraxmaan Tuur iyo Xasan Ciise oo hadda nool, iyo sidii Xilka looga qaaday, iyo sidii uu Alle ha unaxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal kuyimid  iyo sidoo kale sababihii Cumar Carte Qaalib looga leexiyay inuu Hogaanka dalka qabto. Waxa kale oo uu kaga hadlay qaabkii uu ku qabsoomay Shirkii Boorama iyo Duruufihii ku gadaanaa.

Xaaji Cabdi Waraabe ayaa waxa uu hadalkiisaaasi ku bilaabay Sidii uu ku qabsoomay Shirkii Burco ee Somaliland lagaga dhawaaqay islamarkaana lagu soo doortay Cabdiraxmaan Tuur“Inagu walaaltinimo aan ku dhaqano ayaa Burco lagu goostay,Madaxweyne waxaa loo doortay, Cabdiraxmaan Axmed Cali, lalama tartamine waa loo daayay,waa la isku raacay, waa loo dhaariyay, Wuu ku dhaartay Cabdiraxmaan Axmed Cali, Ku xigeenna Muj Xasan Ciise Jaamac ayaa looga dhigay, beelihii oo dhami iskumay Khilaafin, waa la isku raacay, halkaas waxaa ka muuqatay inaanay Daacad meeshu u soconin, haddii Madaxdu toos u socoto mijaha waa la toosin karaaye, Madaxdu haddii ay Qaloocatase waa masiibo eh, saacadii laga dareeray shirkaba  waxaa dhacday in Beesha Warsangali ee degta Ceerigaabo, Gobolkaasi Sanaag in lagu dhuftay dagaal uu ina Mirre uMadax yahay, oo iyaga oo aan dagaal u urursanayn lagu dhuftay, oo Kun Halaad (1000) laga qaaday, dad boqol gaadhayaa, wax dhintay iyo wax dhaawac ah noqdeen”.

Isagoo hadalkiisii sii wata ayaa waxa uu yidhi “Waxaa dhacday inaanu ergo ugu tagnay oo ay odayaal kaceen, inay ka Nabad qaateen oo ay yidhaahdeen, waxaasi waanu ka samraynaa, ee walaaltinimo dambe aanu helno, Qolodaasi markii ay qabawday waxaa ku xigtay in Burco ay ka dhacday,oo Habar Jeclo lagu dhuftay,oo aanu ergaynay oo Habar jeclo taladii aad odayaasheedii nooga qaatay, oo Habaryoonistii markaasi diriraysayna namaqashay, oo Xabadda oo dhacaysa aanu dhex galnay,waxaa mahad ah way na-aqbaleen labadii Qoloba, dabkaasi markii aanu bakhtiinay waxaan haddana ku xigtay Berbera in lagu dhufto, intaasi waxaa u madax ahaa Siyaasiyiintooda Garxajiska, lagama dhawro cunsorabka Fidmadaasi siyaasiyiintii Garxajiska, Umadda kale siyaasiyiinteedii ayaa dejisay, oo odayaashayadii ayaa tashanay, Raggii Dawladda hayn jiray dee haddii uu inoo yimid hala hogaamiyo ayaa la yidhi,”.

Waxa kale oo uu yidhi: “Berbera kolkay ka dhacday, ee ay muddo socotay ee aan intaasi ku dhex jirnay,iyadana Rabbi waa naga aqbaloo labadii Qoloba waa nayeeleen, halkaasi waxaanu iswaydiinay odayaashayadii isku nimid, waar maxaan yeelnaa waan aragnaaye,waxaynu aragnaa Siyaasigii ayaa ina akhribaya, sida ay nabaddu inoogu dhalanaysaa, siyaasi oo dhami yaanu inoo iman oo waanu iska xidhnay, inamada soo dagaalamay iyo odayaashii Reer Miyiga ayaanu u yeedhanay,  labadii Qolo, Qolona Berbera ayaanu ugu tagnay, Qolonna Oodweyne, labadiiba waa nayeeleen, waxay qolodii Oodweyne Tidhi Cabdiraxmaan uun hanatusinina, Markhtaai ayay leedahay oo Suldaan Ciise ayaa yidhi, laakiin anaga iyo Reerkaa walaaladayo ah ee aanu isdilnay Guurtidiinaasi na dhexgala, waar maahee waa Madaxweyne oo waanu idin tusaynaa, oo waraaqda ka qarin Kari mayno, Waanu ogolaysiinay, nabadiina way ogolaadeen haddii ay Garxajiskii halkaasi ka dagaalamayay yihiin, way ogolaadeen, inaanu Cabdiraxmaan Tuur Warqadii Tusnana way naga yeeleen, laakiin shirka usoo daynmayno ayaanu u balan qaadnay”.

Sidii kale waxa uu yidhi: “Guurtina markaasi ma dhisnayn, Wasiiranna mahayo oo midna iisoo fadhiisan waa, tobankiinaa oday mooyeen wax urursan mahayee iga qabta, isaga iyo Ina Ibraahim Maygaag oo wada socda ayaa laduba noo yimaadeen, sidii ayaanu sheekhna kaga soo talinay,iyadoo siyaasina aanu nagala qayb galin. Dawladdii Afar bilood oo waxyar la’ ayaanu Boorama u fadhinay, siday u dhisantay waad maqasheen,waa laga wada dharagsan yahay, Cabdiraxmaan Boqol Iyo Kontonkiinaasi ayaan u dhiibay ayuu yidhi, saddex kalmadood oo qudha ayuu nagu xidhay, 1- Inaan Iyadoo labada Sannood iga dhamaan la iga kicini. 2 – In Boqol Iyo Kontonkiinaasi aan cidi ku soo kordhin, 3- Inuu Foodku Gacan taag noqdo. Saddexdiisba waan ka aqbalnay”.

Isagoo ka hadlaya shirkii Boorama ayaa waxa uu yidhi: “Foodkii haddii uu dhacay oo uu si xalaal ah u dhacay, wuu aqbalay, Tahniyad ayuu bixiyay, Khudbad ayuu akhriyay,Canjaladdaha ayaa lagu hayaa,waa la socotaan, Cumar Cartana si leeg ayuu bixiyay Tahniyadda, kolkaa waxaanu ka fikirnay oo caawimadu u badnayd, Maxamed Ibraahim Cigaal waanu isku eegnay, Raggii soo doortay ayaa la isku eegay, Dee Cumar Carte Ceeb kale looma yeelina waa Raysal Wasaare Soomaaliya ah baa la yidhi, Waxa laga rooraayayna Soomaali Caam ah ayay ahayd, Cabdiraxmaan Axmed Cali-na, dee waakan la fadhiistay Labadii sannadood ee hore ayay ka muuqatay inaanu daacad u wadin, markaa waxaanu nidhi raggii soo doortay, ninkaasi 1960-kii soomaali iyadoo isku saafi ah oo uurwanaagsan oo isku calool fayaw, hugga saartay ee Soomaali woqooyi dhisatay, ee dhawr iyo labaatanka sannadoodna jeelka ku jiray, waayo aragana ah, Caalamku ha ogaado inaan Gooni isku taagnay,ha idiinku soo joogsato umaddu isagaa fiicane eh”.

Ugu dambayn waxa uu yidhi isagoo kasii  sheekaynaya Shirkii Boorama iyo  sidii uu ku soo dhamaaday“Waxa kale oo Cabdiraxmaan Axmed Cali la yidhi, cigaal dhis, markhaati ayay leedahay, oo gadaal ayuu isku rogaye, Cigaal maahee nimaan idinkula taliyaa mayaalo ayuu yidhi, aniga irida ma odhan, wuxuu yidhi runta marka la sheego Cigaalbaa ugu roon laakiin Aniguna Madaxweynenimada ayaan doonayaa isagana Raysal Wasaare,isagu markaa ra’yigayaga ma lahayn, tiisiibaa sugaysay iyo Cigaal isagaa meesha soo galiyay, Anagana marka horeba Maskaxdayada ayuu kujiray, markaa siduu ku dhismay waa la eegay oo munaasib ayuu noogula ekaaday,markii balawgaa Boorama laga yimid siduu u  wanaagsanaa, ayuunbaa Xaafadaasi magacaasi sheegata ee Garxajis, Dhallinyarada Soo dagaalanay, qolo waliba way wareertay, qololadii Siyaasigeedii qabtay ee odayaasheedii qabteen ee iyadu dagaalantay way qabawday, waa qolodaasi kadabsatay Dawladnimaddii, qoloda Siyaasigeedii Dabadana kala soo hadlay Gudahana ka baydhaynayay waa qoladaa iyaduna baaba’day dadkiina baabiisay. Hadda Fidmada maanta joogtaa dadkana kama dhexayso, awal iyo Garxajis Dirirayaa mayaalo, kolkaan idiinsoo ururiyo, sheekadeedu way idinku dheeraanaysaa, Wakhtigay idinka luminaysaa, kamasoo sheekaynayo, Qodob,qodob ayaan u taaban lahaa,wakiilna halkan way u dhigteen, Jaamac Maxamed Qaalib iyo..”. Ayuu yidhi Xaaji Cabdi Kariin Xuseen (C.Waraabe).

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here