Dhacdadii Lagu weeraray Richard Burton iyo kooxdii la socotey 19th April 1855: Qaaybtii 10aad

0
70

Dhacdadii Lagu weeraray Richard Burton iyo kooxdii la socotey 19th April 1855: Qaaybtii 10aad…………………

Garnaqsigii Faransiiska iyo Ingiriiska:

Faransiiska iyo Ingiriisku waxa aay gartoodii iskula tageen oo aay ku garnaqsadeen geedkii weynaa ee kuyiil magaalada Baarliin; halkaasi oo ahaayd. goobtii aay gumaystayaashii reer Yurub ku qaaybsadeen qaarada madow sannadkii 1884 kii. Marka gartii la furay ee labada dhinacba aay la soo baxeen cadaaymihii iyo waraaqihii saxeexyada ee uu mid walba Ydhiniciisa uu lahaa anaay ila saxeexden ayaa waji gabax aay ku noqotey gumaaysihii Faransiiska in aanu haaysayn cadaaymo dheeriya oo muujinaya in aay heshiiskaa uu la galey qaybo ka mida jilibada in Ingiriiska iyaguna la seexday aay sharci yihiin, takale ee burisey doodii Faransiiska in uu xaq u leeyahay heshiiskaas uu lagaley jilibyadaasi ayaa ahaayd isagoo aan haaysen dawlad si sharciyana uugu wareejisey oo u fasaxdey in uu heshiis la galo beelahaasi.

Waayo xeebahaasi waxaa ka dhisnaa maamulkii Boqortooyadii cismaaniyiinta, Faransiisna kama haaysto wax ogolaansho ah, balse Ingiriisku waxa uu sitaa waraaqihii cadaaymaha ahaa ee sheegayay in Ingiriis dhulkaas lagu wareejiyey, waraaqahana waxaa ku saxeexnaa Khadiif Ismaaciilkii Masaarida ee hoos imanayey maamulkii Boqortooyada Cismaaniyiintaa

Marka doodii labada dhinacba la dhageeystey ee mid walba soo dhigay cadaaymihii uu sitey, waxaa faro madhan goobtaas kala soo noqdey Faransiiska oo heshiisydii uu la galey jilibadaasi aay noqdeen hal bacaad lagu lisey, balse Faransiis waxa go’aansadey in uu Ingiriis ka aargoosto oo uu ridiha u soo xidho dekada Berbera iyo ta Zaylacba, waxaanu heshiis ganacsiya la galey Boqor Melilik ee Itoobiya, kaas oo xeebaha Soomalida si gaaara u danaaynayey oo ku talami jirey in uu mar-uun aay suurtogal u noqonaay doonto in uu gacanta ku dhigi doono xeebaha geyiga Soomalida.

Isla markii uu Faransiis gacmo madhan kala soo noqdey doodii lagu qabtey magaalada Baarliin ee ka dhex aloosnayd isaga iyo Ingiriiska ayaa Faransiis isagoo kaa-shanaaya gacan yarahiisii Burhaan Bey aay talo ku gaadheen in aay xaadh xaadhaan marsada Jabuuti oo aay deegaameeyaan dhismaha magaalo cusub oo liqda Zaylacdii qadiimiga ahaayd ka sameeyaan. Maadaamo uu Faransiis rabo in uu Ingiriiska aargoosto waxa uu Burhaan Bey kula tailyey Faransiis in uu Dekada Jabuuti ka dhigo mid ka casrisan labada Dekadood ee qadiimiga ah, midi waa ta Zaylac, mida kalena waa ta Berbera.

Qoddobka kale ee uu kula taliyey Burhaan Bey Faransiiska waxa aay ahaayd maadama oo safarada Zaylac iyo kuwa Berbera lagu keeno Awr, ararka doonyahana mar labaad Awr lagu sii guro in uu sameeyo tareen lagaga maarmo Awrtaasi oo isku xidha Jibuuti, Diridhaba ilaa Addis Ababa. Labadaasi qoddobba waxa aay noqdeen guuldaradii iyo goddoonkii ku haabsadey xeebihii uu mustacmarku Ingiriisku haaystey, oo Berbera ayaa dirqi ku sigatey haddanu jireen safaradii xamuulka Awrta ee ka iman jireyii dhulweynaha Ogaadeeniya, safaradaasi oo u hiiliyey Berberi in aay sii waarto; balse aay Zaylac ku duntey markii la furay xaddiidkii tareenka ee xeebta Jabuuti, kaas oo noqdey ilaa maanta in aay Jabuuti noqoto johorada Afrika ku taal ee bildhaamaysa, taas oo guul weyn u noqotey dalka Jamuuriyada Jabuuti.

Dhinaca kale waxa uu Faransiisku heshiis saaxiibtinimo iyo mid ganacsiba la galay Boqor Melilik gii Itoobiya oo aay ku shuraakoobeen khadka taraaynka, waxaa kale oo bilaamay in aay Itoobiya ganacsigeedii aay markii hore ku xidhnaayd Zaylac safaradii loo soo wareejiyo Dekada Jabuuti. Hararna waxaa badashay Diridhaba oo noqotey xarun ganacsiga ee ku xidhan Dekada Jabuuti iyo khadka tareenka oo xarun weyn oo labaad laga dhigay magaalada Diridhaba. Fikirkaasi ee uu Burhaan Bey iyo Faranshiis u maleegeen Ingiriis waxa uu hirgaley 1888, waxaana hamigii iyo qorshahaasi rumeeyey heshiiskii ganacsi ee uu Faransiis la galey Boqor Mellilik gii Itoobiya, Boqor Melilikna waxa uu qabsadey magaalada Harar 1887 kii, taas oo dhaawac weyn ku keentey jiritaankii Zaylac oo albaabada u soo laabtey Zaylac.

La Soco Qormooyinka Dambe.
Diyaarintii:
Khadar Jaambiir Egeh

Image may contain: text, outdoor and water

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here