Deg Deg: Dagaal U Dhexeeya Puntland Iyo Somaliland Oo Ka Socda Bariga Gobolka Sanaag.

0
103

Hadaaftimo(Foore) – Wararka ka imaanaya degmada Hadaaftimo ee Bariga gobolka Sanaag ee Somaliland ayaa sheegaya in halkaasi uu hadda ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Dagaalka ayaa sida dadka degaanku sheegayaan wuxuu bilowday kadib markii Maleeshiyo ka tirsan ciidamada Puntland ay weerar ku qaadeen wefdi oo hoggaaminayo guddoomiyaha Somaliland ee Degmadda Badhan ee Bariga Gobolka Sanaag.

Waxa adag in xog sugan laga helayo khasaaraha ka dhashay dagaalka oo sida la sheegayo weli ka socda nawaaxiga degmada Hadaaftimo.

Wararkayaga Dambe La Soco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here