Deg Deg: Dagaal Culus Oo Illaa Saaka Ka Socda Deegaamo Ka Tirsan Ceel Afweyn Iyo Jabhaddo Aad U Hubaysan Oo Maanta Dagaalku Dhex Marayo + Xukuumadda Oo Ka Gaabsatay.

0
411

Ceel Afweyn(Foore) – Dagaal Ayaa maanta mar kale dib uga bilaamay deegaakii shalay uu dagaalku ka dhacay ee dadka badan lagu laayay, waxaana lasoo sheegayaa in dagaalkan maanta ay qayb ka yihiin jabhaddo hubaysan oo labada Beelood ka kala tirsan.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaadhay Deegaanka ceel afwayn ee gobalka Sanaag ayaa sheegaya in qaar ka tirsan Jabhadda Kornayl Caare oo tikniko ku gaashaamani ay dagaalka soo gaashay halka warar kalena ay sheegayaan in iyana ay soo galeen jabhadda uu Boqor Buurmadaw oo iyaguna hub culus iyo tikniko wataa.

dagaalkan ayaa daba socda dagaalkii ilaa shalay galab iyo xalay ka dhacay degankasi oo ay ku naf waayeen in ku dhow Sagaal qof oo kasoo kala jeeda beelaha dega deegaanka ceel afwayn ee ay ka dhaxayso colaada soo jiitamaysay mudooyinka badan.

xukuumada somaliland oo aan wali wax wara ka soo saarin xaalada ka taagan deeganka ceel afwayn iyo xaalad colaadeed oo wali ka taagn deegankasi ayaa lasoo sheegayaa inay Ciidamo fadhiisimo ku lahaa Duleedka Ceerigaabo ay ku baxeen dagaalka si ay u kala dhex galaa.

Wali lama ogaan karo khasaaraha kala gaadhay saaka, waxaananu wixii xog ah idiinku soo gudbin doonaa Wararkayayaga  dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here