Deg Deg: Ciidanka Qaranka Somaliland Iyo Jabhaddii Kornayl Caare Oo Dagaal Qadhaadhi Ku Dhex Maray Meel 40-Km Ujirta Ceerigaabo Ujirta + Khasaare Lasoo Sheegayo.

0
732

Goob(Foore) – Jabhaddii Kornayl Caare iyo Ciidan ka tirsan Kuwa Qaranka Somaliland ayaa sida la sheegay dagaal culusi ku dhex maray meel 40Km Bari ugu toosan Magaaladda Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag.

Wararka Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa sheegaya in dagaalkaasi oo wakhti badan socday khasaare baahsan la gaadhsiiyay jabhaddii kornayl caare. Wararka qaar ayaa sheegay gaadiid illa saddex ka kooban oo laga  qabsaday iyo maxaabiis illaa 15 tiradooda lagu sheegay waxaana wararki ugu dambeeyay ee Foore soo gaadhay uu sheegayaa in jahbadaasi kala firdhatay islamarkaana ay ku raadjoogaan Ciidamada Qaranku.

Jahaddan ayaa sida la sheegay markii ay dagaalka ka gaashay deegaanka Karamaan oo beelo walaalo ahi isku dileen aanay dib ugu noqon halkii ay kasoo ruqaansatay ee Qardho ee Puntland oo ay fadhiisin ku lahayeen waxanay si indho la’aan ah  iskugu dayeen inay fadhiisimo  ka samaystaan buuralayda Ceerigaabo bari ugu toosan.

Faah faahinta warkan Goordhaw filo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here