Dawladda Turkiga Oo Ku Dhowaaqday Dalka Ay Taageerayso Ciyaarta Finalka Koobka Adduunka Ee France Iyo Croatia

0
104
Lawadaag Asxaabta...

Ciyaarta kama dambaysta Koobka Adduunka ayaa dhici doonta maalinta Axadda, waxaana isku haleeli doona labada waddan ee France iyo Croatia oo kasoo kala adkaaday labada dal ee Belgium iyo England.

Dawladaha dunida ayaa safiirradooda ku sugan magaalada Moscow waxay intooda badan tegi doonaan ciyaarta finalka Koobka Adduunka oo ka dhici doonta garoonka Luzhniki Stadium, halkaas oo sidoo kale ay soo fadhiisan doonaan madaxweyneyaal kale oo lagu casuumay.

Haddaba, dawladda Turkiga oo safiirkooda magaalada Moscow uu garoonka tegi doono, ayaa waxa uu shaaciyey in isaga oo metelaya dalkiisa uu taageeri doono xulka qaranka Croatia, sababtoo ah xidhiidhka saaxiibtinimo ee uu la leeyahay madaxweynaha Croatia Kolinda Grabar-Kitarovic.

Safiirka oo lagu magacaabo Huseyin Dirioz waxa uu sheegay in ay muddo dheer asxaab ahaayeen Madaxweynaha Croatia oo ka hor intii aanay madaxweynaha dalkeeda noqonin ahaan jirtay xoghayaha guud ee ururka NATO, halkaas oo ay wada shaqayn dhow ku lahaayeen.

“Saaxiibo dhow ayaanu ahayn muddo dheer, sababtoo ah waxay ahaan jirtay xoghayaha guud ee NATO, aniguna isla xilkaas ayaan kala wareegay. Markaas maalin walba waanu wada xidhiidhi jirnay.” Sidaas ayuu yidhi Dirioz oo warbaahinta kula hadlay magaalada Moscow.

Safiirku waxa uu sheegay inuu tegi doono garoonka si uu ciyaarta uga daawado, balse haddii uu waayo tigidh uu tegi doono fagaaraha weyn ee badhtamaha magaalada Moscow ee FIFA Fan Fest ee Vorobyyovy Gory.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here