Dawladda Soomaaliya Oo Dacwad Ka Dhan Ah Casuumaddii Imaaraadka ee Muuse Biixi U Gudbisay Qaramada Midoobay

0
275

Muqdisho (Foore) – Dowladda Soomaaliya ayaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay u qortay ashtako ka dhan safarkii madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu dhowaan ku tagay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, sida uu qoray wargeyska East Africa Business Week.

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay si gaar ah uga cadhootay in Imaaraadka Carabta ay Muuse Biixi ku qaabileen calanka Somaliland iyo iyada oo heesta astaanka qaranka Somaliland loo tumay taasi oo ahayd soo dhawayntii ugu waynayd ee dal carbeed ku qaabilo Madaxweyne ka socda Somaliland tan iyo intii ay Somaliland gooni isaga taagtay Soomaaliya sannadkii 1991-kii.

Sida wargeyska qoray, dowladda Soomaaliya ayaa warqaddeeda ku sheegtay in la macaamilka Imaaraadka Carabta eee Somaliland uu xadgudub ku yahay madax bannaanida iyo qarannimada Soomaaliya.

Wakiilka Somaliland ee Kenya Ambasaddor Baashe Cawil Xaaji Cumar oo arrintan ka hadlaya ayaa yidhi:  “Haddii aan nahay Somaliland waan ka xunnahay ashtakada ay dowladda Soomaaliya u gudbisay golaha ammaanka ee QM ee ku aaddan safarkii uu madaxweyne Muuse Biixi dhowaan ku tagay Imaaraadka Carabta”

“Waxaan doonayaa inaan ku celiyo in Somaliland ay tahay dal madax banaan oo leh xuduudo caalami ah oo la aqoonsan yahay iyo dowlad si dimoqraadi ah loo doortay. Somaliland waa ay u madax banaan tahay in la macaamisho dalalka kale, umana baahna fasaxa dowladda Soomaaliya” ayuu yidhi Baashe Cawil.

“Waxaan sidoo kale sii wadi doonnaa inaan beesha caalamka kala hadalno sidii aan u heli lahayn aqoonsi iyo madax banaani rasmi ah”

Dawladda Soomaaliya ayaa mar walba muddooyinkii dambe ka xumaanaysay qaabka uu Imaaraadku Somaliland ula macaamilo tan iyo wixii ka dambeeyey markii ay Somaliland heshiis Kula gashay Imaaraadka mashruuca ballaadhinta iyo maal gashiga dekedda Berbera iyo waliba saldhigga Milatari ee Imaaraadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here