Dawladda Somalia Oo Sixirroolayaal Uga Yeedhatay Afgooye Si Ay U Ogaadaan Qalab Qaali Ah Oo Laga Xaday!!

0
195
Lawadaag Asxaabta...

Muqdisho, July 19, 2018- (Foore)- Tii aad maqashaaba tii kale ka darane waligaa ma maqashay xukuumad Soomaaliyeed oo sixirroolayaal u adeegsatay in ay ku ogaato ciddii xadday qalab qaali ahaa oo dhawaan laga xaday taasi oo noqotay waxa shalay loogu hadal hayn badnaa magaalada Muqdisho ee dalkaasi Soomaaliya oo falkani ka dhacay.

Sida ay xubno ka tirsan Wasasaradda Warfaafinta dalwadda Farmaajo u xaqiijiyeen warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho, wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa laga xaday kamarad qaali aheyd, oo muuqaallada loogu soo duubi jiray. Kamaraddan laga xaday Wasaaradda Warfaafinta maamulka Muqdisho ayaa qiimaheeda lagu sheegay ilaa 10,000 oo Dollar (Toban kun oo Dollar), taasoo laga soo iibiyey sida la sheegay dalka Imaaraadka Carabta. Kamaradda ayaa laga xaday gudaha Wasaaradda Warfaafinta, waxaana la aqoonsan waayey ciddii qaadatay, arrintaas oo keentay in la dhaariyo dhammaan shaqaalahihii Wasaaradda joogay waqtigii la waayey Kamaraddaasi.

Sida aan xogta ku helnay waxaa Shaqaalahaas dhaariyey Madaxda Wasaaradda Warfaafinta iyo agaasimayaasha, hase yeeshee dhammaan shaqaalihii ayaa wada dhaartay, taasi oo keentay in weli aan la aqoonsan cidda xadday kamaraddaasi. Dhaarta kadib madaxda Wasaaradda Warfaafinta ayaa ku qanci wayday dhaartii la mariyey dhammaan shaqaalihii joogay, waxayna go’aansadeen inay qaadaan tallaabo la yaab lahayd oo ah in Afgooye oo Muqdisho u dhaw laga dalbado sixiroorayaal wax-faaliya oo sheega ciddii qaadatay Kamaraddaasi. Inta badan shaqaalihii la dhaariyey ayaa arrintaas ka hor yimid waxayna sheegeen inay tahay arrin ka baxsan diinta Islaamka, islamarkaana tallaabadaasi ay horseedi doonto dhibaato xoog leh. Madaxda Wasaaradda ayaa ku adkaystay inay arrintaas ku dhaqaaqi doonaan isla markaasna la isticmaali doono sixiroolayaashaas in lasoo helo cidda xadday kaamirada. Ilaa hadda ma caddo jawaabta ay bixiyeen sixiroorayaasha balse waxaa muuqato inay tallaabadaas keentay khilaaf horleh welina lama soo bandhigin natiijada kasoo baxday.”

Runtii tallaabadaas waxay nagu noqotay mid la yaab leh, Afgooye ayaa laga keenay sixiroorayaal la sheegay inay sheegi doonaan cidda Kamaradda qaadatay, arrintaasna waa mid aan waafaqsaneyn sharciga Islaamka” ayuu yidhi mid kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta ee kamid ahaa kuwii la dhaariyey, oo codsaday inaan la magacaabin. Waa markii ugu horraysay ee arrin noocan oo kale ahi ka dhacdo Xafiisyada dowladda Soomaaliya inta la xasuusto. Wasaaradda Warfaafinta ayaa muddo ka hor sidoo kale laga xaday qalab qaali ahaa waxaana suurta geli wayday in la helo dadkii qaatay. Xaaladdan ayaa si weyn looga hadal hayaa Magaalada Muqdisho ee dalkaasi Somalia.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here