Dawladda Kililka 5aad Oo Qodobo Ka Soo Saaray Dhexdhexaadintii Ay Ka Dhex Wadeen Beelihii Ku Dagaalamay Deegaanka Gobolka Sool Ee Somaliland

0
67
Lawadaag Asxaabta...

Jigjiga, December 8, 2018- (Foore)- Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa si toos ah ula wareegay Xal u helida Dagaalkii labada beelood ee walaalaha ah ku dhex maray Koonfurta Gobolka Sool ee Somaliland kadib markii dhawr jeer dagaal xun oo lagu hoobtay dhex maray, islamarkaana ay waxba ka suuli waayeen ergooyin badan iyo isku dayo badan oo ay Samaysay Xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaana labadaasi beelood mudooyinkii u dambeeyay lagu dhex dhexaadinayay Xarunta Maamulkaasi ee Jigjiga.

Haddaba Iyadoo 20 kii Maalmood ee ugu danbeeyey Magaalada Jig Jiga ay dawlad deegaanka Soomaalidu ka waday heshiisiinta iyo soo afjarida shaqaaqo beeleed u dhaxeeyey labadaasi beelood oo colaadoodu daba dheeraatay, khasaare badanna ay ka dhalatay ayaa waxa la soo gebo gebeeyey shirkaasi Shalay , Shirkan oo ay dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya u xilsaartay gudi ka kooban 25 qof iyo min 21 ergey oo labada reer ee (Bahrarasame & Cabdi Garaad ). Waxaana laga soo saarey qodobadan :

1: In la bixiyo dhamaan wixii mag ah ee labadan beelood ay isu gaysteen oo ah 170 qof , lagana dulqaado culayska magtan . Waxaaana bixinaya Beel waynta Daarood .

2: Mudada lagu bixinayo magtanina waa 12 bilood ama sanad , qofkii Waxaa la xisaabinayaa 50 halaad.

3: Dhaawac labada beelood waxaa loo xilsaarey in ay soo xaqqaan Gudiga Culimada gobolka Sool ,waxaana bixinaya labada beelood dhexdeeda mudada ay howshaa ku soo dhamaynayaana waa 6 bilood gudeheed.

4: Wixii khasaare guryo la gubey iwm waxaa loo dirayaa guddi howshaa soo qiimeeya .

5: Beel Waynta Bahrarsame Waxaa lagu ganaaxey in ay bixiso 200 oo Halaad iyo 48,000 $ oo duug ah mudada ay ku bixinayso 200 ee halaad waa 6 bilood lacagta duugta ahna waa 20 maalmood .

6: Beelwaynta Cabdi Garaadna (Qayaad ) Waxaa lagu ganaaxey inay bixiso 50 halaad oo geel ah, mudada ay ku bixinaysona waa 6 bilood , iyo 21,000 $ oo duug ah , iyana ay ku bixin doonto mudo 20 maalmood .

6: In Beeshii danbe ee jabisa heshiiska ama weerar qaada lagu ganaaxo 100,000 $ (Boqol kun oo dollar ) .

7: In la sameeyo socdaalo wacyi gelin nabadeed oo la dhex maro dhamaan deegaanadii ay wax ka dheceen kuwa kaleba .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here