Dawladda Ingiriiska Oo Ka Digtay Weerarro Argagixiso Oo Lagu Bartilmaameedsan Karo Goobaha La Isugu Yimaad Ee Somaliland Muwaadiniinteedana Si Gaara Ugu Digtay

0
103
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, July 27, 2018- (Foore)- Dowladda Ingiriiska ayaa digniin kama dambeys ah usoo dirtay muwaadiniinteeda ku sugan gudaha dalalka Somaliland iyo Somalia gaar ahaan Magaalooyinka Hargeysa, Muqdisho, iyo Dhulka Xeebaha Badaha ah ee labadaasi dal isaga oo ku sheegay in halis amni ku soo fool leedahay sidaa darteed uu muwaadiniintiisa uga digayo in ay u safraan ama meelaha caamka ah ee deegaamadaasi tagaan.

Digniintaan loo diray Muwaadiniinta Ingiriiska ayaa waxaa soo saaray  Xafiiska Arrimaha Dibadda iyo Barwaaqo Sooranka dalka UK kaasi oo qoraalkaasi digniinta ah ku socodsiiyay dhammaan Muwaadiniintiisa u safraya ama wakhtigan ku sugan Soomaaliya oo ay Somaliland ku jirto sida uu digniinta u dhigay.

Dowladda Ingiriiska ayaa muwaadiniinteeda joogo Magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa ugu baaqay inay aad u feejignaado maadaama ay sheegtay laga maarmo inay Shabaab halkaas ka fuliyaan weeraro gaadmo ah iyo Afduub.

Xafiiska arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranka UK ayaa muwaadiniinteeda joogo deegaanada Somaliland ugu baaqday inay ka fogaadaan meelaha dadweynaha ku kulmaan iyadoo sheegtay inay xogo dhanka ammaanka ah oo ay heleen.

Dowladda Ingiriiska ayaa si cad u sheegtay  in kooxaha ka dagaalama Soomaaliya gaar ahaan Al Shabaab ay qorsheynayaan inay weeraro khatar ah geystaan, sidoo kalana ay jirto cabsi ah in Afduub loo geysto dadka reer Galbeedka ah ee ku sugan deegaanada.

Ingiriiska ayaa ku tilmaamtay labadii weerar ee ugu dambeeyey ee Muqdisho ka dhacay inay ahaayeen kuwa halis ah isla markaasna ay jiraan xogo sheegaya in la fulin doono weeraro cusub oo halis ku ah muwaadiniinteeda ku sugan Muqdisho.

Ugu dambeyntii dowladda Ingiriiska ayaa xustay inay sidoo kale heshay xogo la isku haleyn karo oo ku aaddan inay Shabaab qorsheynayaan weeraro halis ah oo ay ka fuliyaan Badda Somalia iyo Biyaha Caalamiga ah sidaas darteedna loo baahan yahay inay Muwaadiniinta UK sameeyaan feejignaan weyn. Digniintaan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay Somaliland ka jiraan kulammo ballaadhan oo Bulsheed oo ay ka mid yihiin Kulamada wakhtiga xagaaga ay muwaadiniintu isugu yimaadeen Huteelada, Goobaha Bandhigyada iyo sidoo kale xeebta Berbera oo ay dad badani u dabbaal tagaan wakhtiga kulaylaha ee xagaaga ah halka dalkaasi Soomaaliyan ay ka jiraan is baddalo dhinaca amniga ay doonayaan in ay ka sameeyaan xukuumadoodu iyada oo Madaxweynaha dalkaasi Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu doonayo inuu sameeyo isbadal dhanka hey’adaha Amniga ah.

Dowladda Ingiriiska ayaa hore u soo saari jirtay digniino noocan oo kale ah balse inta badan wax dhaca oo digniintoodaasi ku soo beegma ma aynaan arki jirin waxaase la isla waaqafsan yahay in xogaha amni ee ay helaan yihiin kuwo la isku hallayn karo maadaama ay sirdoono badan ku leeyihiin gayiga Soomaalidu degto guud ahaan gaar ahaan dalkeena.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here