Dawladda Federaalka Soomaaliya Oo Kulan Ay La Yeesheen Madaxweyne Muuse Biixi Ku Tilmaamay Kulan Is-Afgarasho Iyo Dib-U-Heshiisiin + Guddoomiye Cirro Oo U Maahmaahay Muuse Biixi

0
312

Makka Al Mukarrama (Foore)- Muuqaalka sawir ay si wada jir ah uga muuqdaan Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Waftigii uu u kaxaysay Gudashada waajibaadka Xajka iyo Wasiirro miisaan culus leh oo iyana ka soo xajay dhinaca dawladda Federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Maaliyadda ayaa waxa si weyn loogu qaadaa dhigay Baraha Bulshada ee dadka Soomaalida, kaasi oo dhaliyay doodo badan.

Inkasta oo aanay dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya si rasmi ah wax faahfaahin ah uga bixin kulanka ay yeesheen Wufuudda Somaliland iyo Soomaaliya haddana dad badani waxa ay ku warheleen tibaaxaha ay ka bixiyeen kulankaasi Madaxda Soomaaliya oo iyagu markiiba barahooda Bulshada ku sheegay kulan muhiim u ahaa wada xaajoodka iyo dib u heshiisiinta.

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle wasiirka maaliyada Dawlada Federaalka Soomaaliya oo ka fal-celinayay Kulanka ay la qaateen Madaxweynaha Somaliland iyo waftigiisa waxa uu sheegay in uu ahaa kulan muhiim ah oo dibu-heshiisiineed.

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo kulankaasi Madaxweyne Biixi ka hadlayay waxa uu sheegay in ay dadka Soomaaliyeed u baahan yihiin wax uu ku tilmaamay nabad iyo dib u heshiisiin dhab ah. Qoraal kooban oo uu oo dhigay barta uu ku leeyahy Facebook waxa uu yidhi: “Dadka Soomaaliyeed waxay u ooman yihiin nabad waarta iyo dib-u-heshiisiin dhab ah. Farriinta wanaagu ka muuqdo ee ka socota dhammaan Xaajiyaashii Haram-ka ku kulmay waxay muujineysaa in aan loo kala harin is ku dhex jira, midnimadooda, iyo rabitaanka ummada Soomaaliyeed ee wada noolaasha iyo wadajir wax u qabsiga taas oo aas-aasi u ah nabad waarta iyo guul aan gaarno. Aynu dhammaanteen garwaaqsano inaan u dhaqaaqdo ugu dambeyntii dib-u-heshiisiin dhab ah oo macno inoo leh, isla markaana bulshadeena u horseedda barwaaqo iyo midnimo”.

Sidoo kale wasiiru dawlaha xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cabdilaahi Xaamud ayaa isna qoraal kooban oo uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka waxa uu kulankaasi ku sifeeyay kulan aragti is waydaarsi ahaa. Waxaanu qoraalkiisa ku yidhi sidan: “Waxa ay ahaayeen Maalmo barakaysan iyo goob barakaysan, kulanka aanu la yeelanay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo  Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed. Waxa aanu is dhaafsanay aragtiyo wanaagsan oo sharaf leh. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu noo soo dhaweeyey si diirran waxaanan u wada hadalnay si kali kali ah oo qiimo leh”.

Sawirka wada jirka ah ee ay dhinacyadani galeen waxa dhinaca Somaliland ka mid ah Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirashiid Ducaale Qambi iyo Siyaasi Cali Maxamed Warancadde halka dhinaca Soomaaliya ay ka muuqdaan Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Wasiiru-dawlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cabdilaahi Xaamud.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo ka fal-celiyay kulanka labadan dhinac waxa uu farriin suugaaneed oo duur xul ugu jawaabay Madaxweyne Muuse Biixi isaga oo qoraal kooban oo uu bartiisa facebook soo dhigay ku yidhi sidan: “Inaad Saamo Jiidiyo Sanqadh-tirasho Kala Daa’”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here