Dareenkaaga Jacayl Maku Gudbin Lahayd Farriin Aad Ku Dul Qortay Sac Si Ay U Gaadho Qofkii Aad Calmatay

0
36
Lawadaag Asxaabta...

Qof kasta oo wax jecel ama lubbigiisa uu ku lingaxan yahay dareen Kalgacal waxa uu jecel yahay in mataanta ama mataanka uu jeclaaday uu farriin ugu sheego dareenka uu u qabo iyo hadba waxa uu markaasi doonayo in uu gaadhsiiyo. Bani aadamkuna sidoodaba waxa ku abuuran dareen ah xidhiidh iyo wax isu gudbin.

Nin beeralay ah ayaa wacdaro dhigay kaddib markii si la yaab leh uu jecaylkiisa dhabta ugu soo bandhigay gabadh uu jeclaa. Isaga oo adeegsaday farsamo isaga ua muuqatay mid uu ku soo jiidan karo dareenka gabadha uu calmaday oo uu farriin ugu gaadhsiin karo hab soo jiidasho leh.

Chris Gospel oo lo’ ku dhaqda Gobolka Scotland ee dalka Ingriiska ayaa Sac irmaan waxa uu  dushiisa ku qoray ‘Gorma ayaan isguursanaynaa’ si ay u aragto gabadha u jecel yahay.

Gospel oo 30 jir ah ayaa jecelka uu u hayo gabadha ugu gudbiyay Saca, inta uu qalin soo qaatay ayuu neefka lo’da ah dushiisa ku qoray ‘Gorma ayaan is guursanaynaa’

Gabadha uu jecel yahay oo la yidhaahdo Eilidh Fraser ayaa si aad ah u jeclaan jirtay sacan , inta badan caws iyo biyo ayaanay siin jirtay.

Gospel wuxuu yidhi “Saca waxaa si wayn u jeclayd Eilidh, markaasi habeen kasta lagama waayi jirin hareeraha goobta uu Sacani joogo, waxaana ii suurogashay inaan jecelkayga dhabta ah halkan ugu gudbiyo”

Wuxuu BBC-da qaybteeda Scotland u sheegay inay ka baaraandagayaan in sacan ay gayn doonaan goobta uu arooskoodu ka dhici doono iyo in kale islamarkaasna ay eegi doonaan xuquuqda neefkan marka ay doonayaan in Sacani uu ka qayb noqdo xuska nolosha ay isla soo mareen.

Fraser ma anay filaynin in Gospel uu jecelka sidan uga soo gudbiyo balse waxay sheegtay in arrintani ay amakaag ku noqotoy, aadna uga heshay qaabka uu farriintan ugu soo diray iyana ay markiiba qubuul iyo aqbal ku qaabishay afrriintii dareenka lahayd ee uu u soo diray ee uu Saca ugu soo dul qoray.

Marka ay timaado inaad gudbiso jaceylkaaga, waxaa qofka ku adkaan karta inuu la yimaaddo fikrado hor leh si uu u wajaho qofka uu doonayo inuu jaceyl u gudbiyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here