Daraasaddii Lagu Waday Daawada Bidaarta Oo Meel Fiican Maraysa Iyo Daawo Waxtar Leh Oo Loo Helayo Dhawaan

0
43

Daraasad la waday in muddo ah ayaa imika lagu ogaaday daawo waxtar u noqon karta bidaarta iyadoo la isticmaalayo daawo hore loogula tacaali jiray cudurka lafaha ku dhaca. Baadhayaasha caafimaadka ayaa ogaaday in daawadani ay ka hortagi karto borotiinka loo yaqaanno SFRP1 oo xanniba korriinka timaha. Madaxa mashruuca dhakhtar Nathan Hawkshaw oo ka socda jaamacadda Manchester ee dalka Ingiriiska wuxuu sheegay in isbeddel ay u keeni karto dadka ay timuhu ka daateen. Waxaa la sheegay in laba daawo oo keliya hadda la hayo oo wax looga qaban karo bidaarta. Balse baadhitaanka mudada la waday lagu soo saaray mid ka mid ah daaawooyinka loo badinayo in ay waxtar buuxa u yeelanayso ragga bidaarta yeeshay. Waxayna kala yihiin:

-Daawada minoxidil, waxay daawayn kartaa bidaarta ku dhacda ragga iyo haweenka.

-Daawada finasteride, waxa daawayn kartaa bidaarta ragga oo kaliya ku habsata.

Daraasaddan waxaa shaaca ka qaaday xarunta daraasaadka ee PLOS Biology waxaana lagu sameeyay shaybaadh kaddib markii 40 rag ah timahooda tijaabo lagu sameeyay isla markaana timaha loo abuurayay. Dhakhtar Hawkshaw ayaa BBC-da u sheegay in baadhitaan dhanka caafimaadka loo baahan yahay waa haddii daawadani ay noqoto mid wax tar leh oo aan dhibaato u keenaynin dadka bidaarta leh ee timo raadiska ah.

Maxaa keena in qofku ay timaha ka Daataan?:

Timaha inay kaa go’aan waa arrin maalin kasta dhacda taas oo walaac u horseedda dadka qaar.

Walaacaasi oo noqon kara mid joogta ah iyo mid markaas oo keliya ah.

-Timaha oo si degdeg ah kaaga daata

-In timaha qaar ay kaa go’aan oo dhibco madaxaaga lagu arko

-Qayb qayb haddii timahaagu ay u go’aan

-Madax cuncun iyo olol

-Walwal aad ka qabto in timuhu ay kaa daataan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here