Daraasad Daah-Furtay In Biyaha Wasakhaysani Yihiin Waxa Ugu Badan Ee Sababa Dhimashada Dumarka Dunida Ku Nool

0
165
Lawadaag Asxaabta...

Daraasad ay dhowaan sameeyeen koox u dhalatay dalkaasi Maraykanka ayaa lagu sheegay in biyaha wasakhaysani yihiin waxyaalaha ugu badan ee sababa dhimashada dumarka,iyaga oo ku tilmaamay shayga ugu weyn ee keena. Daraasadan oo ay sameeyeen koox lagu magcaabo  Water Aid ayaa la kaashanaayey daraasadan jaamacaddo wadankaasi ku yaala iyo maxado ,kuwaas oo kaalmo kala duwan ka qaatay samaynta daraasadan,waxaanay ku sheegeen biyaha wasakhda ah waxa ugu weyn ee laaya dumarka.

Daraasadan ayaa lagu sheegay inay sannad walba u dhintaan 800,000 oo dumar ahi biyo nadiifa oo aanay helin iyo xanuuno ka dhasha biyaha wasakhda ah ee ay cabayaan intaba.

Barbara Frost oo ah agaasimaha ururkaasi Water Aid ayaa sheegtay in aanay wax la aqbali karo ahayn arrintani,waxaanay sheegtay inay dumarka samayn badan ku yeesheen dhinaca waxbarashada ,sumcada iyo caafimaadka oo hadda noqday ka ugu daran,taas oo keenta ugu dambayntana geeri.

Waxay warbixintooda ku sheegeen in biyo xumidaasi ay ka daran tahay xanuunada kale ee faaliga,wadne xanuunka,infection-ka iyo waxyaalaha kale ee loo dhinto inta badan maanta.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in dumarka caalamka ay saddexdii dumaraba mid kamid ahi aanay haysan caafimaad ku filan,sidoo kalena waxay sheegeen in tobankii dumar ah ee kastaba aanay aanay 5 kamid ahi haysan biyo nadiif ah.

Waxaanay sheegeen inay dumarka wadamada soo korayaa ku umulaan guryo biyohoodu aanay nadiif ahayn,taasina ay keento dhimasho iyo caafimaad xumo intaba.

Wadamada soo koraaya kuwo badan oo kamid ah ayay sheegeen ururkaasi inay dumarku ku dhiban yihiin dhinaca musqulaha oo anaay haysan,taasina keento inay dibada aadaan ,lana kulmaan dhibaato kufsigu kamid yahay.

Wadamo kamid ah kuwa soo koraaya waxay dumarku waqtigooda ku lumiyaan ama ku qaataan biyo raadin ,iyaga oo ceelasha kasoo dhaami guryahana kula soo noqda,taasina ay dhibaato badan ku hayso.

Xidhiidhka Ka Dhaxeeya Biyaha Wasakhaysan iyo Cudurka Shuban Biyoodka

Meelo badan oo ka mid ah deegaamada Soomaalida iyo goobaha abaaruhu ku habsadeen ayaa la soo sheegayaa inuu ka dillaaco intabadan cudurka Shuban Biyoodka ama Daacuunku. Aagagga qaarkood waxa la xaqiijiyey in dad ugu geeriyoodeen gaar ahaan goobo ka mid ah gobollada Bari ee Somaliland. Xukuumadda Somaliland ayaa hore dhawr jeer adduunka ugu sheegtay in cudurka Shuban Biyoodka lagu arkay Gobolada Togdheer iyo Buuhoodle sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee SOLNA Afartii bisha Maarij 2017 iyo qoraal kale oo ay dhowaan baahisay Outbreaknewstoday.com. Tvga Aljazeera ayaa isna hore usii daayey warbixin ka hadlaysa halista cudurka Shuban Biyoodku ku hayo deegaamada Soomaalida.

Cudurka Shuban Biyoodka ama ka heerkiisu ka sii weyn yahay ee Daacuunka ayaa inta badan ku soo noqnoqda waddamada geeska Afrika gaar ahaan waqtiyada abaaraha iyo xilliyada roobabku da’aan. Si aan wax uga ogaanno cudurka Daacuunka, Wargeyska Foore oo kaashanaya Shirkadda qalabka Biyaha Nadiifiya dalka keenta ee PURE LIVING CO. waxay qoraalkan soo socda idiinku soo gudbinayaan warbixin kooban oo si guud u eegaysa cudurka Daacuunka iyo siyaabaha looga hortago. Waa maxay sirta aan dawada iyo tallaalka ahayn ee dunidu kaga adkaatay ka hortagga iyo xakamaynta cudurka Daacuunka?

Xanuunka Daacuunka ee afka qalaad loo yaqaan Cholera, waa cudur halis ah oo ku dhaca ubucda gaar ahaan xiidmaha yar/mindhicirka yar (small intestine) isla markaana waxyeello u geysta inta badanna sababa ama keena shuban daran, matag, tabaryari aad ah iyo dhimasho haddaan dhakhso loo daaweeyn. Erayga, Cholera waa eray ka soo jeeda asal ahaan Giriig (Greek) oo la micno ah sida qulqulka dheecaanka bile oo kale (flow of bile, chole, bile). Taas oo ah dabafuran/qulqul iyo calool socod (shuban).  Dheecaanka bile waxa soosaara beerka waxaana kaydiya xamaytida.

Cudurka Daacuunka oo inta badan Soomaalidu u taqaan shuban biyoodka iyo Daacuun calooleed, waa cudur ka mid ah cudurrada faafa (infectious disease) ee soo raaca biyaha iyo cuntada (waterborne/food-borne disease). Sidaas darteed waxa laga qaadaa biyaha iyo cuntada wasakhda ah ee sadhaysan. Waxa sababta oo keenta cudurka Daacuunka, bakteeriyada la yidhaahdo Vibrio cholerae oo ah jeermis ku dhasha inta badan biyaha la cabbo iyo meelaha wasakhdu ku fara badan tahay.

Vibrio cholerae, marka xagga abla’ablaynta bakteeriyada (bacterial taxonomy) laga eego waxay noqonaysaa bahda Vibrionaciae ee duulka Vibrios/Vibrio waxayna ka tahay sinjiga cholerae, sida jaantuskan hoose muujinaayo. Sidoo kale waxa jira, Vibrio kale oo an ahayn Vibrio cholerae oo sababa cudurro kale oo ku dhaca aadanaha.

Sidaan kor ku soo sheegnay cudurka Daacuunku, wuxu keenaa shuban aad u badan iyo matag. Taasina waxay horseedi kartaa in qofka qaba cudurka Daacuunku ay biyuhu ka dhammaadaan jidhkiisa oo uu fuuqbax (dehydration) ku dhaco taas oo haddaan si deg-deg ah wax looga qaban keeni karta geeri ama dhimasho.

Sida badan waddamada cudurkan halista ahi uu ka dillaaco wuxu sababaa safmar (epidemic) ballaadhan taas oo ay dad badani hal mar wada qaadi karaan ama uu Daacuunku mar wada helo.  Xaaladdaasina waxay dhalisaa cabsi iyo inuu isu socodku istaago oo dadka socotada ah iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga la joojiyo si aanu cudurku meelaha kale u gaadhin oo u sii fidin.

Taariikhda Cudurka Daacuunka (History of Cholera Infection)

Cudurka Daacuunku waa cudur, adduunyadu intay jirtayba dhibaato iyo waxyeello badan ku hayey. Sida la sheegay, Hippocrates circa, ayaa waa hore (saman hore) tilmaamay xanuun sida Daacuunka oo kale ah 500 (500 BC) oo sano ka hor dhalashadii nebi Ciise (CS). Cudurka Daacuunku wuxu sababay safmarro caama oo adduunka ku wada faafay (pandemics). Kii ugu horreeyay ee la diiwaan geliyey inta la og yahay, wuxu ka dhacay meelo badan oo ka mid ah caalamka sanadihii 1817 ilaa 1823. Wuxu ka bilaabmay markii hore waddanka Hindiya ka dibna wuxuu ku faafay  koonfurta  bari ee qaaradda Asia, badhtamaha Asia, Bariga dhexe iyo waddanka Ruushka waxaana ku geeriyooday  malaayiin dad ah. Waxa ku xigay muddooyin badan oo kale, kii ugu dambeeyey ee safmarradaa caamka ah waxa loo yaqaan seventh pandemic. Sanadihii 1961 ilaa 1970s, ayuu ka dillaacay cudurka Daacuunku waddanka Indonesia ka dibna wuxu ku faafay dalal badan oo ka mid ah adduunka ah. Dhulka Soomaalida sida la sheegay, xilligii ay gumaystayaashu haysteen Daacuun xun baa mar ka dillaacay oo dhimasho badan sababay (taariikhda iyo degaamada ma hubo). Intii u dhaxaysay 1985 ilaa 1986, wuxu ka dillaacay Daacuunku gobolka Maroodi Jeex ee Hargeysa caasimadda u tahay, Muqdisho iyo gobolka Bay ee dalkaasi Soomaaliyaayaa iyana waxa wakhtigaasi ka dilaacay cudurka shuban biyoodka ama Daacuunka. Laga soo bilaabo 1995 ilaa 2017 dhowr jeer baa cudurka shuban biyoodka lagu arkay gobollo kala duwan oo ka mid ah dalka Soomaalida. Tusaale ahaan, sannadkii 2007 waxa Daacuunku ku dhacay dad gaadhaya 37,000 waxaana u geeriyooday ilaa 1,000 qof. Cudurka Daacuunku wuxu adduunyada aad ugu baahay qarnigii 19aad waqtigaas oo ah markii cudurkan si rasmi ah loo ogaaday oo laga helay agagaarka webiga Ganges ee dalka Hindiya. Dalka Hindiya iyo dalalka ku xeeran waa meelaha uu ugu badan yahay cudurka Daacuunku. Toddoba (7) jeer oo safmarrada caamka (pandemics) ahi adduunyada ku faafeen, shan (5) ka mid ah baa Hindiya ka dillaacay. Sidaa awgeed, inta badan cudurka Daacuunka waxa loo yaqaan, Asiatic cholera. Cudurka Daacuunka, in laga qaado biyaha sadhaysan isla markaana biyuhu gudbiyaan waxa ogaaday John Snow (u dhashay dalka Boqortooyada Ingiriiska) sannadkii 1854. Waagaas, Daacuun xun baa magaalada London ka dillaacay sannadihii 1849-1854. Riig (water pumb) kuwa biyaha laga cabbo ah oo ku yaal waddada Broad Street (Soho) baa dadkii ku idlaadeen cudurka Daacuunka awgiii.Bakteeriyada Vibrio cholerae, inay Daacuunka sababto oo keento waxa markii ugu horreysay sheegay Filippo Pacini (u dhashay Talyaaniga) sannadkii 1854. Berigaas magaalada Florence ee dalka Talyaaniga waxa ka dillaacay cudurka Daacuunka. Laakiin, waxa si rasmi ah u xaqiijiyey oo soosaary (cultural isolation) Vibrio cholerae Robert Koch (u dhashay Jarmal) sannadkii 1883. Waqtigaas, koox cilmibaadhayaal ah oo uu hogaaminayey Robert Koch ayaa dalka Masar magaalada Alexandria u tegey daraasad ku saabsan cudurka Daacuunka, isla markaana sidaa ku ogaaday bakteeriyadaas. In kastoo caalamku horumar weyn ka sameeyey xagga sayniska daryeelka caafimaadka iyo sanaaciga.

Halkan Ka eeg Qalabka Biyaha Nadiifiya ee ay kuu keentay shirkadda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here