Daraasad Cusub Oo Shaacisay Haweenka Hinaasaha Badan Oo Markay Gaboobaan Arrimo Halis Ahi Ku Soo Baxaan

0
300
Lawadaag Asxaabta...

Haweenka murugada iyo hinaasuhu aadka ugu badan yahay, ayaa la caddeeyey in markay weynadaan ay asiibaan xannuunnada maskaxda ku dhaca, gaar ahaan cudurka asaasaqa loo yaqaan ee keena in qofku carruuroobo amma waxba kala garan waayo sida lagu muujiyey daraasad lagu tijaabiyey boqollaal dumar ah oo u dhashay waddanka Ingiriiska kuwaasi oo baadhitaano qoto dheer oo laga qaaday muujiyeen in 90% haweenka hinaasuhu ku badan yahay ay noqdeen kuwo xanuuno culusi madaxa kaga dhaceen in badan oo ka mid ahina markii ay gaboobeen ay asaasaqeen oo isku dhex daateen. Sidoo kale daraasad tan la mid ah oo dhawaan laga sameeyey dalalka Carabta ayaa iyana lagu ogaaday in haweenka Hinaasaha badani ka xanuun qab badan yihiin kuwa aanu ku badnayn werwerka hinaasaha iyo arrimaha la xidhiidha nolosha lammaanaha ee wakhtiyada qaarkood cakirantaa.

Khubarada cilmi-baadhisahan diyaariyey waxa ay sheegeen in tirada dadka maskaxdoodu shaqada gabto kor u sii kacayso waqtigan, kuwa khatarta badan ugu jiraanna yihiin haweenka aan xaalad ahaan degganayn ee murugada badan gaar ahaan kuwa diiqadda iyo werwerka ka qaadda arrimaha Hinaasaha. Sidoo kale, cilmi-baadhayaashu waxa ay tibaaxeen in dad ka badan 800,000 qof oo Ingiriiska ahi qabaan dhibaatada asaasaqa oo ah xaalad maskax ahaan qofku caruurnimo ku noqdo marka uu waynaado, iyadoo la sadaalinayo in sannadka 2050 uu cudurkaasi ku dhaco 44 milyan oo ruux oo ku nool dalkaasi Ingiriiska waana dhibaato Bulsheed oo aad muddooyinkii dambe loo hadal hayo iyada oo dalka Ingiriisku ka mid yahay dalalka ugu badan ee dhibaatada qoysku ka taagan tahay gara ahaan is qabqabsiga ninka iyo xaaskiisa gaar ahaan arrimaha la xidhiidha hinaasaha ka dhasha xidhiidhka lammaane ee khiyaamada dhibtiisu ka dhalato. Cilmi-baadhistan oo lagu baadhay 800 oo haween ah oo ku jira da’da u dhexaysa 30, 40 iyo 50 jir, kuwaasoo wax laga waydiiyey dabeecadahooda, halka cadhadoodu taagan tahay, heerka hinaasahoodu gaadhsiisan yahay, inay si dhaqso ah u murugoodaan, in shaqadu culays badan ku hayso iyo in ay guriga ku dhibtoodaan, waxaana su’aalahaas lagu celcelinayey 5 sannadood oo xidhiidh ah.

Markii ay dhammaatay daraasaddan oo socotay muddo 38 sannadood ah, waxa la ogaaday in 153 haweenkaas ka mid ah xannuunka asaasaqu haleelay, kuwaas oo la xaqiijiyey inay yihiin kuwa murugadoodu aadka u badan tahay. Waxa ay dhibaatadaasi aad ugu badnayd haweenkii iyaga dhibaatadu ka haysatay dhinaca lammaanayaashooda ee ka hinaasanaa raggooda ama inta badan ku noolaa werwerka iyo xaaladda aan caadiga ahayn. “Cilmi-badhayaasha asaasaqa wax ka eegaa waxay inta badan soo qaataan arrimaha waxbarashada, wadnaha iyo dhiigga oo ay sheegaan inay khatar ugu jiraan amma hidde ahaan in qofku qaado asaasaqa, laakiin waxa la bayaamiyey in shaqsiyadda qofku masuul ka tahay xannunkaas, gaar ahaan dabeecaddiisa.” Sidaa waxa tidhi Lena Johnnsson oo cilmi-baadhistan hoggaaminaysay oo ka tirsan machad daraasaadka sameeya oo ku yaalla magaalada Manchester.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here