Daraasad Cusub Oo Muujisay Dhibaatooyinka Caafimaad Ee Ay Keenaan Saraawiisha Dhejiska Ahi

0
364
Lawadaag Asxaabta...

Cilmibaadhayaal caafimaad ayaa daboolka ka qaaday natiijo ka soo baxday daraasad caafimaad oo ay muddo laba sanadood ah ku hawlanaayeen oo ku saabsan dhibaatada caafimaad ee ay sababaan surwaalada jiiniska ah ee dhajiska ahi, kuwaasi oo daraasadan caafimaad lagu ogaaday in ay si weyn u dhaawacaan waxyeelo caafimaadna ugu gaystaan neerfayaasha bawdada iyo guud ahaan qaarka hoose ee jidhka aadamaha, taasina ay marka dambe keento in dhammaanba hab-dhiska Neerfuhu (Nervous system) qofka xanuuno.

Cilmi-baadhayaasha caafimaad ee xarunta caafimaadka ee Great Paltemor ayaa todobaadkan si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijo ka soo baxday cilmi baadhistan caafimaad oo ay muddo laba sanno ah ku samaynayeen dhibaatooyinka caafimaad ee surwaalada jiiniska ah ee dhejiska ahi ku keenaan dadka rag iyo dumarba. Dunida waxa si weyn dhawr iyo tobankii sano ee ugu dambeeyey si weyn ugu soo kordhay isticmaalka saraawiisha Jiiniska ah ee qofka jidhkiisa ku lingaxan.

Gaar ahaan waxa markii ugu horraysay saraawiisha jiiniska ah ee qofka jidhkiisa ku giigsan aad looga isticmaalay dalalka reer galbeedka sida Maraykanka iyo Yurub waxaanu markii dambe u sii gudbay dalalka Aasiya iyo Afrika waxaana wakhtigan guud ahaan toddobada qaaradood ee dunida si siman dadku ugu labbistaan saraawiil Jiinis ah oo dhejis ah. Tani waxa ay keentay in la baadho dhibaatada caafimaad ee saraawiishani keeni karaan waxaanay daraasadani daaha ka rogtay in neerfaha ku jira muruqyada bawdadu la kulmaan dhibaato caafimaad oo ay khalkhal noqoto hawl maalmeedkii ay jidhka ka hayeen kadibna khalalkaasi u gudbo neerfaha kale ee jidhka intiisa kale.

Xanuunada jidhku arrintan kala kulmo waxa ka mid ah madax xanuun joogto ah, werwer iyo diiqad nafsaani ah, hurdo la’aan iyo caajis iyo wahsi badan. “Dadweynaha waxaan kala talinaynaa in aanay xidhan saraawiil jiinis ah oo jidhkooda ku dhegsan. Waxa loo baahan yahay hadiiba ay aad u jecel yihiin in ay xidhaan ama ku lebbistaan sarawiil Jiinis ah oo jidhkooda haya in ay qaataan kuwa kala baxa ee balaastigu ku jiro ee aan jidhka waxba cidhiidhi ku samaynayn. Xididada neerfuhu waa ay isku wada xidhan yihiin xidhiidhbaana ka dhaxeeya.

Neerfaha luguhu marka ay cidhiidhi noqdaan ee maalin oo dhan qofku jiinis ku xidhnaado waxa ay dareemaan urur, shaqadooda si wanaagsan uma gutaan taasina waxa ay khalal ku keentaa dhamaanba hab-dhiska dhambaal wadayaasha (Nerveous System) waana ta daraasadani muujisay”. Sidaa waxa yidhi Dr: Phil Maria Jones oo ka mid ah khubarada daraasadan natiijadeeda ku dhawaaqay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here