Daraasad Cusub: 4 Nooc Oo Cuntooyinka Ka Mid Ah Oo Ragga Looga Digay In Ay Badsadaaan

0
177
Lawadaag Asxaabta...

Waxa jira cuntooyin badan oo qofku jecel yahay ama qaato balse aanu ka war qabin waxyeelooyinka iyo faa’iidooyinkooda caafimaad labadaba. Dhammaan cuntooyinka aynu sida maalinlaha ah ama sida qaalibka ah qaadano in badan oo ka mid ahi ma wada laha waxtar caafimaad balse in badan oo ka mid ah ayaa taa badalkeeda waxa ay leeyihiin dhibaatooyin caafimaad oo aanay umaddu dhaadanayn anna aanay si waafi ah uga war hayn. Qormadan waxa aynu ku soo qaadan doonaa cuntooyin ama cabitaano 4 ah oo daraasadihii ugu dambeeyey ee dhinaca cuntooyinka ama cabitaanada laga sameeyey, gaar ahaan waxa ay is dul taagi doonaa 4 nooc cunto/cabitaan oo la ogaaday in aanay ragga u wanaagsanayn saxo ahaan, loona baahan yahay in raggu ka waantoobaan in ay badsadaan ama u qaataan si xidhiidh ah, waxaanay kala yihiin:

1. Bawdyaha Digaaga: Waa xaqiiqo jirta in Hilibka Digaagu ka mid yahay hilibka ugu waxytar badan marka laga tago Hilibka Kalluunka noocyadiisa kala duwan oo la isku raacsan yahay in uu yahay kan ugu waxtar badan hilibka laga helo noolaha badda iyo barrigaba ku nool balse waxa aad looga digayaa in aad badsato Hilibka Bawdyaha Digaagga. Daraasad dhawaan la sameeyey waxa ay muujisay in inta badan dadku aaminsan yahay in hilibka digaaga gaar ahaan Lugihiisa oo ah halka uu hilibka ugu badan ku leeyahay laga helo Borotiin aad u badan taasi oo aqoon ahaan imika la ogaaday in aanay waxba ka jirin. Daraasaddii ugu dambaysay ee Hilibka Digaaga laga sameeyo waxa lagu ogaaday in bawdyaha digaagga hilibka ku jiraa boqolkiiba Konton (50%) ka kooban yahay Dux aad u badan, taasi oo keentay in dadka looga digo in ay wakhti walba qaataan Hilibka Digaaga, gaar ahaan bawdyaha.

  1. Cabitaanka Soodhaha Leh: Dhammaanba waxa la ogaaday in cabitaanada sharaabka Soodhaha leh aanay ku jirin maadooyin cunteed oo lagama maarmaan ah. Taa badalkeeda waxa la ogaaday in Cabitaanada Soodhaha leh ay ku badan tahay maaddooyin caafimaadka aan u wanaagsanayn oo kaba sii dhib badan sonkorta badan. Dhibaatooyinka la ogaaday in ay keeneen cabitaanada badan ee soodhaha lihi waxa ka mid ah xanuunada ku dhaca beerka, korodh ku yimaad xaddiga sonkorta ah ee ku jirta dhiigga iyo waliba maaddooyin kale oo dhib badan.
  2. Buushiga (Corn Flicks): Waa Cuntada buushiga ah ee laga sameeyey Gallayda ee la warshadeeyey ee loo yaqaano Corn Flicks. Sida qaalibka ah waxa lagu iibiyaa tukaamada waaweyn waxaanay dadku qaataan subaxdii quraac ahaan. Daraasaddan waxa lagu ogaaday in midhahaa buushiga ah ee gallayda laga sameeyey ay ku badan tahay maadda fructose oo ah maaddo haddii ay cuntada ku badato dhibaato caafimaad leh, waxa kale oo la ogaaday in gallayda buushigaasi laga sameeyaa tahay mid tallaal iyo kobcin lagu beeray (organic system) waxaanu buushigaasi caloosha ku keenaa burooyin kansar ah mana wanaagsana in aan caado ka dhiganaa.
  3. Cuntooyinka daqiiqda laga sameeyo ee shiillan sida Quraaca iyo Buskudada: in badan dadkeenu waxa ay jecel yihiin cuntooyinka daqiiqda laga sameeyo sida Buskudada iyo quraaca waddooyinka lagu iibiyo. Khubarada caafimaadku waxa ay sheegayaan in cuntooyinkaasi ay ku jiraan xaddi badan oo sonkor iyo milix ah halka wakhtiyada qaarkood laga heli karo xaddi badan oo dufan ah, gaar ahaan saliidaha lagu shiillo oo aanay Tayadoodu wanaagsanayn. Cuntooyinkan ayaa la sheegay in ay ragga caafimaad darro.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here