Daraasad Caafimaad Oo Muujisay In Fadhiga Badan Laga Qaado Cuduro Uu Ugu Horreeyo Kansarku

0
104
Man using TV remote control
Lawadaag Asxaabta...

Dunidan casriga ah baadhitaanada iyo cilmi baadhisaha caafimaad ee la sameeyaa waxa ay salka ku hayaan hadba baahida taagan ee aadamuhu ka cawdo. Tusaale ahaan kontonkii sano ee ugu dambeeyey khubarada caafimaadku waxa ay baadhitaanada caafimaad ku ogaadeen in fadhiga badani waxyeelo caafimaad oo badan dadka u leeyahay sidaa darteed loo baahan yahay in jimicsi la sameeyo ama ugu yaraan qofku 24kii saacadoodba 15 daqiiqo oo ka mid ah lugeeyo. Shaqooyinka wakhtiyada dhaadheer fadhiga lagu qabtaa waxa ay saamayn taban oo caafimaad ku leeyihiin dadka.

Daraasad cusub oo lagu diyaariyay wadanka Maraykanka oo uu todobaadkan baahiyey telefishanka Al-Carabiya ayaa lagu sheegay in dadka muddo badan fadhiyaa halis caafimaad darro ku jiraan halisna ay ugu jiraan cuduro dhawr ah oo ay ugu horreeyaan Kansarka, Kaadi Macaanka iyo Dhiig Karku. Cilmi baadhistan oo lagu sameeyey ku dhawaad 60-kun oo nin oo da’doodu u dhaxayso 45-65 waxna laga waydiiyey inta saacadood ee ay fadhiga ku qaataan maalin kasta. Su’aalo la xidhiidha daraasaddan ayaa kooxdan la waydiiyay kuwaasi oo la isu raaciyay saacadaha ay fadhiyaan, kuwaasi oo kala ah sidan: In ka yar afar saacadood, afar saacadood ilaa lix saacadood, lix saacadood ilaa siddeed saacadood iyo wixii ka badan siddeed saacdood.

Daraasaddan waxaa lagu ogaaday in dadka qabta shaqo keenta in ay fadhiyaan wax ka badan lix saacadood in ay boqolkiiba sagaashan qarka u saaran yihiin xanuunka kaadi macaanka. Daraasaddan oo uu gadhwadeen ka ahaa caalimka Richard Rosecrans oo bare ka ah jaamacadda Cansas University ee dalka Maraykanka ayaa sidoo kale lagu xusay in dadka fadhiya wax ka badan siddeed saacadood ay iyaguna halis ballaadhan ugu jiraan cudurada Kansarka iyo Dhiig-karka. “Dadka in badan shaqadooda ku qaata fadhigu waxa ay yihiin kuwo aan inta badan nasiib u helin ay ku jimicsadaan. Tusaale ahaan waxa jira shaqooyin taagni, dhaqdhaqaaq iyo socod lagu qabto. Kuwaasi waa ay ka halis yar yihiin. Fadhiga badani waa halis caafimaad darro” sidaa waxa yidhi gadhwadeenka daraasaddan Richard Rosecrans.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here