Dalladda Ururrada Haweenka Ee NAGAAD Oo Difaacday Xeerka Kufsiga, Kuna Tilmaamantay Dadka Ka Hadlaya Kuwo Aan Akhriyin Oo Aan Daliil Cad U Haysan

0
233
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, September 22, 2018- (Foore)- Dallada ugu weyn ururada Haweenka Somaliland ee NAGAAD ayaa  Jawaab ka bixisay Qaylo dhaanta kasoo yeedhaysa Culimada iyo qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Dalka ee lagaga soo horjeedo dhaqan galka Xeerka Kufsiga,waxa ay ku tilmaamtay Dalladani dadkaasi kuwo aan akhriyin Macluumadda uu Xeerkaasi Xambaarsan,waxaanay meesha ka saartay Dooda ku saabsan inay xeerkani kujiraan Qodobo kasoo horjeeda Diinta Islaamka, Waxa ay ka hadashay doorkii dalladu ku lahayd waxaanay Culimada si gaar ah ugu duur xushay inaanay Bulshada Marin habaabin ee ay Horta wax akhriyaan oo ay iska hubsadaan waxa ay daadaafinayaan.

Ku Simaha Agaasimaha Fulinta ee Dalladaasi Mustafe Axmed Xasan oo Waraysi Khaas ah siiyay Wariye Maxamuud Jowhar oo ka hawlgala Telefishanka Star ayaa waxa uu ugu horayn faah faahin kabixiyay jaranjartii uu xeerkaasi soo maray iyo sida ay Dalladu u aragto dooda taagan “Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga ee uu ansixiyay Labada Gole islamarkaana uu saxeexay, Faafin rasmi ahna ku soo saaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waa Xeer jira, Waxa uu qaatay muddo 7-sanno ah si uu xeerkaasi u soo baxo, 2011-kii ayaa la bilaabay, 2018-kiina wuu soo baxay, waan arkayay dad badan oo duraya laakiin aan u haynin Daliil cad, ama aan si fiican u akhriyin ama aan xog badan ka haynin, laakiin waa Xeer kuu fadhiya Shareecadda Islaamka, ku fadhiya Dhaqankeena”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi: “Farqadda Koowaad ee Xeerkani waxa uu sheegayaa ujeedada xeerkani loo sameeyay oo ah in la helo ama la dejiyo xeer Waa faqsan Shareecadda Islaamka, Dastuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, iyo Badaadiida guud ee Cadaaladda,iyo Qiyamka iyo dhaqanka Suuban ee Umaddu leedahay, Markaa waa Xeer inbadan laga shaqeeyay, Waa Xeerka keli ah ee Lixda Gobol ee Somaliland maray ee Culimo iyo Caamabada loo fadhiisiyay ee la yidhi wax ku darsada, ee loo furay, in maanta laga hadlaba may banaanayn,waagaasi uu socday cid walba waanu ugu yeedhnay, Cid walbana way la hadleen, cid kasta oo ka shaqaysanaysa Cid walba way ka qayb galisay, markaa Xeerku waa sidaasi”. Sidoo kale waxa uu yidhi: “Waxaan arkayay dad leh Waxa xeerka kujira Ragga Ragga u taga iyo Dumarka Dumarka u taga ayuu jidaynayaa, Xeerku waakan I horyaala, Waxaan jeclaan lahaa in la akhriyo oo ay ka soo saaraan dadka leh waxa uu jidaynayaa nin nin u taga iyo Gabadh Gabadh u tagta, Caqliga umaddeena ayay caayayaan, Xeerku jaran jar iyo nidaam ayuu maray, Xeerka kasoo bilaambay Gole Wakiilo, ee Yimid Gole Guurti ee Yimid Madaxweyne, intaasi maxay u arki waayeen Gabadha Gabadha u tagta iyo Ninka Ninka u taga ee ku qoran, waxay u baahanahay inaanu warkeenu Gole ka fuul noqone ee Wixii la akhriyo, Marka koowaadna iswaydiino waar Xeerkani Waar Xeerkan ma ubaahanahay, Xeerkan way u baahanahay”. Ugu Dambayn waxa uu yidhi“Waxaan leenahay Akhriya oo fahma Culimo Iyo Caamaba, Waxaan arkayay Culimo badan oo Qaraar soo saartay, oo aan ka xusi karo Culimada Salafiyiinta, oo qodobadooda qoraalka ay soo saareen oo ahaa 14- qodob oo aan akhriyay meel Alla iyo meel aan ka qaato aan garan waayay, Sababta oo ah Culimaddu waxa ay yidhaahdeen, Hal Qodob oo ka mid ah haddii aan idiin soo qaado, Qodobka 4-Aad, Xeerkani waxa uu Laalayaa Ciqaabtii Shareecaddu u dejisay Qofka Sinaysta,mana jirto meel ay kaga qoran tahay Xeerkan Cusub, haddii ay Culimadu ka soo saari karaan waxaan jeclaan lahaa inay kasoo saaraan, Haddii kalena warka beenta ah ay ka daayaan dadka, Culimaddu haka daayaan Dadka Marin Habaabinta”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here