“Dalkii Waxa Uu Galay Xaalad Adag Oo Aan Hore U Jirin, Dibad Iyo Gudaba,Daaqad Waliba Way Inagu Soo Xidhantay, Xataa Safaaraddii Somaliland Ee Addis Ababa Ayaa Magacii Laga Badelay”..Xildhibaan Tukaale

0
41
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, July 5, 2018- (Foore) – Xildhibaan Bashiir Tukaale oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa walaac ka muujiyay Xaalada siyaasadeed ee uu dalka Somaliland marayo waxaana uu soo jeediyay in guud ahaan shacabka Somaliland iyo Goleyaasha qaranku u guntadaan sidii dalka loo bad baadin lahaa islamarkaana xaaladan uu galay looga saari lahaa ,waxa uu sheegay in  arimihii dibadu inagu soo oodantay oo ay gaadhay heer Safaaradii Somaliland ee Itoobiya Magaca Laga badelay.

Sidaa wuxuu Xildhibaanku ku sheegay mar uu Shalay kula hadlay Warbaahinta Dalka Magaaladda Hargeya, waxaannu yidhi“Dalkii waxa uu galay Xaalad adag oo aan hore u jirin,haddii ay tu dibadeed tahay iyo haddii Gudaha tahayba,oo aan hore u jirin ayaynu galnay,Waxyaabahaasina waxaan umalaynayaa uun in dabac maamul oo dalka ku yimid ay tahay,Xukuumaddu arimahaasi hoos u eegto,sida arimaha dibada oo kale,Arimihii dibadu dhamaan Xaaladu way taagan tahay,Daaqad waliba way inagu soo xidhantay,waxaa igu maqaalo ah,Xafiiskii Saafaarada inoo ahaa ee Itoobiya ee keli ah ee aynu lahayn, ee Adisababa waxaa la sheegayaa in Magaciiba laga badelay oo Magac kale loo bixiyay,Taasina waa arin horleh oo aan hore u jiri jirin waxay ku dhacdayna waa in la iswaydiiyaa”.

Xildhibaan Bashiir Tukaale, wuxuu ku baaqay in shacab, xukuumad iyo golayaal-ba in la badbaadiyo jiritaanka Qarannimadda Somaliland“Runtii xaalada Cusub oo aan hore loo arag ayuu dalkii Somaliland Galay,taasina waa waajib ina saaran,waa arin inoo taala in loo wada guntado sidii aynu dalka uga saari lahayn, shacbi,Xukuumad,Axsaab iyo Goleyaalba ayaa loo baahan yahay,haddii ay Xaalada hadda jirta ee uu dalkeenii galay ay sidaasi kusii socota waxa uu dalkeenii galayaa Mugdi iyo go’doon siyaasadeed”.ayuu hadalkiisa ku soo koobay Xildhibaan Tukaale.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here