“Dagaalka Waxaa Gala Nin Beeb Iska Cabaya Oo Aan Waligii Dagaal Arag Oo Aan Dhibboo Soo Marin Oo Kursi Halkan Ah Isku Ruxaya,Oo Aan Dagaalka Buugna Ka Akhriyin”..M/Muuse

0
62
Lawadaag Asxaabta...

Garoowe, May 31, 2018- (Foore)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa fariimo culus oo caqli-celin u badan u diray Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdi-Weli Maxamed Cali Gaas,isagoo si dadban ugu dhigay inaanu waayo aragnimo dagaal lahayn,waxa ay sidoo kale fariintani u ekayd mid isagana taabanaysa Madaxweyna Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo uu hore Madaxweyne Biixi ugu eedeeyay dagaalka Tukoraq,waxaana uu labadooduba u farriintan ugu sheegay inuu kaga waayo aragsan yahay Dhinaca dagaalka islamarkaana aanay Somaliland marnaba diyaar u ahayn Dagaal ay ku qabsato dhul Xuduudeeda ka talawsan.

Madaxweyna Biixi ayaa sidan ka sheegay maruu Shalay khubad ka jeediyay munaasibad ay ku qalin-jabiyeen cutubyo Ciidanka qaranka ka tirsan oo dhibboo ah oo ka baxay dugsiga tabobarka Jadiidka ee Darar-weyne,Waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Waxaanu ku baaqaynaa anaga oo Xeradii Ciidamada Joogna Nabadgalyo,Uma Socono Cid,Puntland kuma socono laakiin Waajibka Xudduudkayaga waanu daafacaynaa,oo Xuduudkayaga inaanu daafacno waa waajib nasaaran,waa kaanu qaranka ugu dhaaranay, sideedaba dagaalada Aduunka haddii loo abtiriyo ninka Ciidanka ah ee Dagaalka yaqaanaan Waligii Dagaal kuma deg deggo inuu saxeexo, Had iyo goor dagaalada waxa gala nin war moog oo looga taag waayo, jananada waa loo yeedhaa,Waligeed buug kasta ka akhriya dagaal kasta,Kii koowaad ee Aduunka,Kii labaad ee Aduunka,kii Napiliyon,kii Ruushka,kaa doonto akhri,jananada marka loo yeedho ee la yidhaa bal ka warama waa la duulayaaye,Sagaal goor ayay dib u dhigaan dhawr sababood oo aan jirin iyagoo ku gabanaya”.

Waxa kale oo uu yidhi: “Mar walba Way ka wareegaalaystaan Dagaalka,Dagaalka waxaa gala Nin Beeb iska cabaya oo aan waligii dagaal arag oo aan Dhiboo soo marin oo Kursi halkan ah isku ruxaya,ayuunbaa iska odhanaya Halala dagaalamo kuwaasi way inasoo gardaraysteen eh,anagu waayo arag ayaanu nahay oo dagaal kuma socono,waan ka daalanahay,Xadka ayaanu daafacanaynaa,ninka war mooga ah ee aan Dagaalka Buugna ka akhriyin ee soo qaylinayaw adiga ayaa Cirka Roob ku og,anaguse kugu soo duuli mayno,kaana nabad ayaynu ka doonaynaa,Xadkeenana waan daacaynaa,Waana dadkeenii oo sabab ay inoogu soo duulaan garan maayo maanta,sabab ay Tukoraq ugu soo duulaan garan maayo,Xadku waa kii Ingiriiskii,Dadkuna waa dadkeenii,wax dadkeenaa la iskugu dilo garan maayo ee Waa gardaro”. Ayuu hadalkiisa ku soo koobay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Somalilan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here