Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo

0
52

Gaalkacyo (Foore)- Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal uu waaberigii saaka uu ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Dagaalka ayaa dhexmaray laba maleeshiyaad deegaanka ah, waxaana ay ku dagaalameen dhul banaan oo ku yaalla agagaarka xabsiga dhexe ee magaalada Gaalkacyo, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaadhay labada dhinac.

Laba ruux oo dhinacyada dagaalamay ah ayaa ku geeriyooday dagaalka halka shan kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah saraakiisha ciidamada Puntland oo warbaahinta la hadlay.

Dhulka Banaan ayaa labada maleeshiyaad waxaa la sheegay inay isku heystaan lahaanshihiisa, waxaana wali ka taagan deegaanka xiisada maadaama ay isku horfadhiyaan dhinacyada dagaalamay.

Wariyayaal ku sugan gobolka Mudug ayaa sheegaya in mararka qaar la maqlayo rasaas goosgoos ah oo ka dhaceysa waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Mas’uuliyiinta Maamulka Magalada Gaalkacyo ee Puntland iyo laamaha amniga intaba weli kama aanay hadlin dagaalkaas, hayeeshee dadka ku sugan goobta uu dagaalka ka dhacay ayaa waxa ay sheegeen inay casbi dareemayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here